Calendar

Ururka Midowga Afrika oo sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo dhamays tiri doono Ciidamada AMISOM.

amisom

Ururka Midowga Afrika ayaa sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo dhamays tiri doono Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya ka howlgalaya,

Ku xigeenka Midowga Afrika ee Soomaaliya Wafula Wamunyinyi ayaa wuxuu ka hadlay Isbedel la sheegay in lagu sameynayo Taliska Ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya.

“Maadaama ay AMISOM bilaabeyso hawlgalkeedii labaad waxaan cadeyneynaa inay AMISOM yeellaneyso Taliye cusub oo uu magaciisu yahay General Andrew Guti, General Andrew Guti waa Taliyaha Guud ee Ciidamadda AMISOM, wuxuuna xilka kala wareegay Major Fred Mugisha.” ayuu yiri Wafula Wamunyinyi.

dhanka kale Major Fred Mugisha ayaa soo dhaweeyey hadalka Wafula Wamunyinyi dhanka kalena wuxuu Al-Shabaab ugu baaqay inay joojiyaan dilka ay ku hayaan caruurta iyo Dumarka Soomaaliyeed.

“Al-Shaabab waxaan leeyahay joojiya dilka aad ku heysaan caruurta iyo dumarka rayidka ah ee Soomaaliyeed, ha’umaleynina inta aad daadineysaan dhiigga shacabka Soomaaliyeed inay idin taageerayaan, AMISOM iyana waxaa ka go’an inay si adag idinla dagaasho.

Ugu danbeyntii Mugisha ayaa sheegay iney dhawaan ka xureyn donaan al shabaab gobalada soomaaliya oo idil wuxuuna cadeeyay isla markaana ay ka holgalidonaan ciidamada AMISOM .

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: