Calendar

Munaasab lagu dhaarrinayay wasiirka cusub ee shaqadda Shaqaalaha, Isbortiska iyo dhalinyaradda oo maanta xilkii loo dhaariyay.

wasiirka sportiga

Muqdisho, April 26, 2012—-Munaasab lagu dhaarrinayay wasiirka cusub ee dhaqadda Shaqaalaha, Isbortiska iyo dhalinyaradda Xukuumadda Soomaaliya isla markaana ay ka soo qeyb galleen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, iyadoona ay munaasabada dhaarta ah lagu qabtay Xafiiska Gudoomiyaha Baarlamaanka ee magaalada Muqdisho.

Munaasabadda ayaa waxaa goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Dr. Cabdiwali Max’ed Cali Gaas, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhigga Xuseen Carab Ciise, Wasiirka Garsoorka iyo Cadaaladda, Taliyaha Ciidammada Xoogga dalka, iyo Qaar ka tirsan xildhibaanadda.

Wasiirka Garsoorka iyo Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya, Axmed Xasan Gaboobe ayaa dhaariyay Wasiirka Cusub ee Shaqadda Shaqaalaha, Isbooriska iyo dhalinyaradda Xukuumadda Soomaaliya Maxamuud Jirde Xuseen.

Dhaaryta kadib ayaa waxaa halkaasi hadal bagoodin ah ka jeediyay Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa ugu hambalyeeyay wasiirka Shaqadda Shaqaalaha, Isboortiska iyo dhalinyaradda xilka loo magacaabay islamarkaana ummadda Soomaaliyeed si cadaalad ah.

Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaaliya ahna Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay in Maxamuud Jirde Xuseen uu yahay shaqsi khibrad leh islamarkaana soo qabtay xillal kala duwan oo heer wasiiro ah haddana laga rajeynayo inuu guto waajibaadka loo idmey oo ay shacabka Soomaaliyeed ka sugayaan.

-DHAMAAD -

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: