Calendar

VIDEO: Shirka wadatashiga ah ee Muqdisho

Screen shot 2011-11-27 at 6.58.02 PMShirka oo ay ka qeyb galayaan dowladda KMG ee Soomaaliya, maamulka Puntland, Qaramada Midoobey, Midowga Afrika, Ahlu-Sunna Wal-Jameeca iyo ururrada bulshada rayidka ayaa looga hadlay waxa ka qabsoomay qodobbadii shirkii kan ka horreeyay ee lagu qabtay Muqdisho bishii September, waxaana la isku raacay in uu jiro horumar laga sameeyay arrimo dhowr ah.

Wakiilka Qaramada Midoobey ee arrimaha siyaasadda Soomaaliya, Augustine Mahiga oo uu xafiiskiisa soo abaabulay shirka ayaa sheegay in diiradda la saari doono waxa ay tahay in la qabto ka hor bisha August oo ah waqtiga uu ku egyahay xilliga dowladda KMG ah, danjire Mahiga wuxuu tilmaamay in kulanka uu yahay mid taariikhi ah oo u horseedaya Soomaalida in ay aayahooda ka tashadaan.

Mahiga ayaa sheegay in shirarka wadatashiga ah ee gudaha dalka ka dhacaya ay astaan u yihiin nabadda, isagoo xusay in la sii ambaqaadi doono qorshaha tubta nabadda.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: