Calendar

Wafti ka socday Mareykan-ka oo booqday Muqdisho

Wafuud sare oo ka tirsan wasaarada arimaha dibadda Mareykan-ka ayaa booqasho gaaban ku yimid magalada Muqdisho.

Wafdiga oo hogaaminaysay madaxa siyaasadda ee wasaarada arimaha dibadda Mareykan-ka Windhi Sherman, waxana ay kulamo la qaadatey madaxda sarsare ee dowlada Soomaaliya.

Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamud oo saxafada la hadlay kulanka ka dib waxa uu sheegay in dowlada Mareykan-ka ay iminka diyaar u tahay in dib loo soo celiyo xiriirka toos ka ahaa ee lahayeen labada wadan.

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in Mareykan-ka u balan qaadeyn iney ka caawiyaan sidii dhaqaalaha dalka kor loogu qaadi lahaa iyo iney dhinaca amaanka ka taaguleynayaan oo muddo ah horey gacanta uga siin jireyn dowladda, waxa kale uu xusay iney ka codsadayn iney balan qaadkooda soo daj-dajiyaan,

Mareykan-ka ayaa kamid ah dowlada sida wayn u daneeya wadanka Soomaaliya, iyadoona ay ku bixiyaan lacag malaayin dollar ah dalka Soomaaliya taas oo horey aan gacanta dowladda si toos ah ugu soo dhici jirin. taas oo la filayo iney iminka wax badan iska badali doonaan.

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: