Calendar

WAR CUSUB:- Kismaayo oo caawo leh labo madaxweyne

Wararka aan ka helayno magalada Kismaayo ayaa sheegay in Axmed Maxamed Islam [Madoobe] loo doortey madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland.

Axmed Madoobe ayaa la sheegay iney doorteen ergadii ka qeybgaleysay shirkii mudadii ugu danbeysay ka socday magalada Kismaayo, iyadoona la sheegayo inuu cod aad u badan helay.

SIdoo kale, Bare Hiiraale ayaa warbaahinta u sheegay in loo doortey madaxweynimada maamul goboleedka Jubbaland.

Bare Hiiraale waxa uu xusay iney doorteen dadka deegaanka sida uu hadalka u dhigay uuna sheegay inuu noqonayo madaxweynaha JubbaLand ee 4-ta sano ee soo socoto. Warar dheeraad ah iyo faahfaahino kale, naga filo dhawaan, inshalah!

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: