Calendar

WAR DEG DEG AH – Shiikh Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha-Cadde) oo Ciidan iyo Gaadiid dagaal wata oo u wareegay dhinaca Dowladda Soomaaliya

 

indhacaddeBartamaha/RBC (Muqdisho) Hoggaamiye katirsan Mucaaradka Somalia ayaa xaqiijiyay in uu ku biiray dowladda Federaalka Somalia oo in mudda ah uu Mucaarad hubaysan ku ahaa.

Shiikh Yuuf Indhacadde oo gawaarida dagaalka iyo Maleeshiyaad hubaysana ayaa xalay habeen barkii kasoo goostay Fariisinkii ciidan ee uu ku lahaa Warshadda Baastada magaalada Muqdisho.

Mas’uuliyiin katirsan Madaxtooyada Villa Somalia ayaa RBC uxaqiijiyay in Indhacadde uu Ciidankiisii iyo hubkiisii ku biiray Xukuumadda Somalia oo Dagaallo kula jirta Mucaarad Islaamiyiin ah.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Yuusuf Indhacadde ay lasoo goosteen Hoggaamiyaal katiran Beesha Ceyr ee uu kasoo jeedo,waa markii ugu horaysay oo ay dowladda Federaalka Somalia la heshiiso Hoggaamiye Mucaarad hubaysan ah.

RBC/Bartamaha
Muqdisho Somalia

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: