read more »">
Calendar

Warbixin sannadeedkii 2010kii ee Amnesty International dadka lagu xukumay dilka iyo dal-dalaadda( Marjin)

untitledHolland/Bartamaha:Hay’adda Xuquuqda aadamaha ee Amnesty International ayaa waxbixin sanaddeedkii 2010kii ku sheegtay in ay hoos u dhacday tiradda dadka lagu xukumay dilka iyo dal-dalaadda ee adduunka, marka la barbar dhigo dadka lagu qaaday xukunka dilka ee sannadkii 2009kii.

Sannadkii 2010kii 23dal oo kaliya ayaa laga fuliyay xukunka dilka ah iyaga oo qoorta u dheereeyay tiro dhan 527 qof, taas oo ka yar tiro dhan 187oo qof dadka la dilay sannadkii 2009kii oo dhamayd 714 qof ,sidaas waxaa yidhi Mr.Salil Shetty oo madax sare ka ah hay’adda Amnesty International, sidoo kale waxbixintan waxa ay ku lifaaqday 154dal oo uu ka jiro xukunka dilka ah 96 ka mida ahi waxa ay badaleen xeerka ciqaabta xukunka dilka ah, laakiin 58 dal ayaa wali uu ka jiraa xukunkani.

Wadammada tirada dadka la dilay ay ugu badantahay Sannadkii 2010kii
1.Iran 252qof
2.Woqooyiga Korea 60qof
3.Dalka Yemen 53 qof
4.Woqooyiga iyo Koonfurta America 46qof
5.Saudi Arabi waxaa la dilay 27qof

Noocyadda Xukunka Dilka
1.Saudi Arabia qoor gooysay
2.Maraykanaka Maayada Korontadda

Wadammada uu ka jiro xukunka Dal-dalaadda (marjin)
(Bangladesh, Botswana, Egypt, Iran, Iraq, Japan, Malaysia, North Korea, Singapore, Sudan and Syria)

Wadammada isticmaala Irbadda ama Cirbadda sunta ah ( lethal Injection)
1.China
2.Maraykanka

Wadammada isticmaala uu ka jiro Xukunka Toogta ah ( shooting)
(Bahrain, Belarus, China, Equatorial Guinea, North Korea, Palestin, Somalia, Taiwan, USA, Vietnam and Yemen).

Hadii aad soo qaadato dalka Belarus ( White Rusia ) waa wadanka kaliya ee reer Yurub ah ee uu ka jiro xukunka dillka ah, laakiin wadanka ugu daran waa China oo aan la ogayn tiradda sugan ee dadka xukunka dilka ah lagu riday taas oo ah ah sir dawladeed.

Fiiro Gaara: Tira koobkan kuma jirto Somalidu sababtoo ah waxaa loo arkaa walaallo is dooxay(bireeyey ama qalay )laakiin qofka Somaliga ah ee la dillo waxa uu u tirsanayahay Amxaaradda oo ka jarta tiradda nool Somali jacayll dartii.

Baahin : Warbaahinta Holland
M.Farah Aden(Ghandi )
Holland

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: