read more »">
Calendar

Maxaa Kasoo Baxay Kulankii Qarsoodiga ahaa Ee wada Qaateen Ambassador Augustine Mahiga, Ra’iisul wasaaraha iyo Madaxweynaha Soomaaliya?

5036-full-soMugadisho/Bartamaha:Kadib Markii Wakiilka gaarka ah Qaramada Midoobay u qabilsan arimaha Soomaaliya uu  Booqasho qarsoodi ah ku yimid Magaalada Mugadsiho ayaa al qaatay kulan albaabada u xiran Maadxwaynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul wasaare Farmaajo waxuuna kala hadlay Xaaladda cakiran iyo Qilaafka xoogan Ee Waqti kororsiga Dowlada iyo Baarlamaanka.

Augistine Mahiga ayaa ugu baaqay M/weyne Shariif, R/wasaare Farmaajo iyo gudoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan in ay ka qeyb galaan shir wada tasho lagu qabanayo dalka Kenya.

Argayga Gaar ah Ee arimaha Soomaaliya u qabisaln QM ayaa sheegay in Kulan deg deg ah uu ka dhici Doono Magaalada Nairobi isago xusay in Kulankaani ay kasoo qeyb gali doonaan Dhamaan Madaxda ugu sareyso Dowldda oo haatan isku haya Qilaafka Xoogan, waxuuna carabka ku dhuftay Mr Mahiga in Kulankani uusan aheyn mid dib u heshisiin ah laakiin uu yahay mid wada tashi iyo isweydaarsi fakirada lakala qabo.

Ambassador Augustine Mahiga oo u waramay Warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in sababaha Muqdisho uu u yimid ay tahay in casuumad waraaqo ah uu gudoonsiiyo Madaxweynaha dowladda Ra’iisul wasaaraha dalka iyo gudoomiyaha barlamanka si ay ugu qeyb galaan shir Qaramada Midoobay garwadeen ay ka tahay oo maalmaha soo aadan ka dhacaya Magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Dowladda FKMG Max’ed C/laahi Max’ed (Farmaajo) oo ka qeyb galay Kulankani ayaa Warbaahinta ugu sheekeeyay waxyaabaihii Kulanka lagu jeex jeexay ayaa waxu qiray in uinta badan Ee ka wada hadleyn Kala Guuraka iyo Kororka Ee shaaciyeen Madaxweynaha iyo Baarlamaanka miraha kasoo baxayna uu noqday in la qorsheeyo in Kulan Wada tashi uu ka dhacaya Magaalada Nairobi Ee dalka Kenya.

Baaqa Argayga u qabislan Qaramada Midoobay Arimaha Soomaliya ayaa ku soo beegmaya xilli Augistine Mahiga  uu kulan gaar ah laa qaatay Madxwayne Sheekh Shariif iyo Ra’iisul Wasare Farmaajo Kulan Albaabaad u xiran oo shalay Ka dhacay Aaalka Madaxwayne Sheekh Shariif.

www.Bartamaha.com

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: