Calendar

Warsaxaafadeed shirka Golaha Wasiirada

somali-emblem-500x381Muqdisho, Khamiis, November 10.2011——-Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay xaruntooda magaalada Muqdisho iyagoo ka hadlay qodobo  u badnaa dhanka amniga iyo gargaarka.

Kulankan oo uu shir guddoominayay Kusimaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Ganacsiga iyo Warshaddaha Mudane C/wahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa ugu horeyntii warbixin looga dhegeystay Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka kaasoo ka warbixinayay horumarka amniga ee caasimadda iyo la dagaalanka kooxaha qaswadayaasha ah.

Goluhu waxa ay si weyn uga jeex jeexeen qorshaha Sugidda Amniga ee 16-ka degmo oo haatan ku jira gacanta Dowladda iyagoo isla meel dhigay in la xoojiyo sugidda Ammaanka caasimadda, iyo in la dardargeliyo Roondada xilliga habeenkii ah ay sameeyaan ciidanka Booliska.

Sidoo kale, golaha Wasiiradu waxay isla meel dhigeen in la dardargeliyo go’aankii golaha Wasiirada ee ahaa in aan hub si sharci darro ah loogu dhex sidan karin gudaha magaalada cidii lagu arkona laga qaado talaab sharciga waafaqsan, waxayna sidoo kale isla meel dhigeen in la dhiso guddi ka kooban Ciidanka Xooga, Booliska iyo Nabadsugida kuwaasoo ka talo bixin doona qorshaha amniga caasimadda iyo qorshaha guud ee Xasilinta dalka (NSSP).

Sidoo kale, golaha Wasiiradu waxay si qotadheer uga hadleen Hindisaha iyo shuruucda uu ku shaqeynayo guddiga madaxa banaan ee la dagaalanka Musuq maasuqa waxayna goluhu soo aqrin doonaan Documentiga iyaga oo ku dhawaaqi doona kadibna loo gudbin doono golaha Baarlamaanka.

Golaha Wasiirada ee Xukuumada FKMG ah waxay warbixin ka dhegeysteen guddiga gargaarka ee heerka wasiir waxaana la isla gartay in hay’addaha gargaarka ee mucaawinooyinka keenaya dalka ay dardargeliyaan bixinta mucaawinooyinka.

Ugu dambeyntiina golaha Wasiiradu waxay tacsi u direen Qoyskii, Qaraabadii iyo Qaranka Soomaaliyeed geeridii ku timid Alle ha u naxariistee Xildhibaan Aadan Buulle Maxamed oo mid ahaa mudaneyaasha Baarlamaanka oo shalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: