read more »">
Calendar

Wasiirka Cusub ee Wasaarada Haweenka & hormarinta Bulshada oo xilka la wareegtay (sawirro)

Garowe _ Munaasabad ka dhacday magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland ayaa waxaa xilalka kula kala wareegay Wasiirka cusub ee Wasarada Haweenka & hormarinta Arrimaha Bulshada, iyo Wasiirkii hore.

Munaasabada Xil wareejinta ayaa waxa kaoso qaybgalay xubno katirsan gollaha wasiirada, Haween iyo saraakil kasocaday Hay’addaha la shaqeeya wasaarada.

Xaliimo Xaaji Xasan wasiirkii hore ee wasaarada ayaa sheegtay in wax badan ay kaqabatay hawlaha wasaarada muddadii ay xilka haysay, waxayna ku boorisay madaxda cusub ee wasaarada inay horay usii wadaan hawlaha wasaarada.

Dhinaceeda Aniso Cabduqadir Xaaji Muumin Wasiirka cusub ee Wasaarada ayaa sheegtay in Haweenka iyo dhalaanka Puntland ubaahn yihiin dhiirigelin iyo wacyi gelin.

Aniso ayaa intaasi raacisay inay ku dadaali doonto sidii ay horay ugusii wadi lahayd hawlaha shaqo ee wasaarada, waxayna xustay inay aqoonteeda ku salayn doonto shaqada wasaarada.

Maalintii shalay ayaa wasiirka cusub loo dhaariyay xilka wasaarada, kadib markii xilkaasi loo magacabay iyadoo kamaqan dalka, waxaana Aniso lagu tilmama qof jecel hormarinta haweenka iyo dhallanka.

30-450x342 249-450x342 292-450x342 333-450x342 429-450x342 530-450x342 626-450x342 723-450x342 821-450x342 916-450x342 1015-450x342 1119-450x342 1216-450x342 1313-450x342 1810-450x342 3110-450x342

Baratamaha.com

Xafiiska Puntland

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: