Calendar

Wasiirka wasaaradda Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta ” Howlgalada Dowladdu Kuma eko Boqol Maalin Oo Qura”

00%20680Bartamaha:Wararka soo gaaraya Xafiiska www.Bartamaha.com ayaa tibaaxaya inuu shaaca uu ka qaaday Wasiirka wasaaradda Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta mudane Cabdi kariim Xasan Jaamac in xukuumaddu ay sii wadi doonto howl gallada ay Ciidmada dowlada ku xaalufinayaan mucaaradka Dowladda Ee Al Shabaab.

Wasiirka ayaa qiray in Holwagalada ay haatan wadaan uusan ku ekeen oo qura Boqolka Maalin Ee Dowladda qabsatay hasa ahaatee ay sii wadi doonaan illaa Melaashiyaadka Shabaab ay faaruqiyaan Dalka Soomaaliya si amni iyo xailooni loo helo.

C/kariin Xasan Jaamac ayaa Warbaahinada Mugadisho u sheegay in Howlagaladda ay wadaan u marayo meelihii ugu wanaagsanaa isagoo Saxaafadda u sheegay in wax yar ay kaga dhimantahay soo afjariida Mucaaraadka haatan la laayay oo intbadan soo afduubta dhalinyarada ku mashquulsan waxbarashada.

Waxuu sido kale Wasirka carabka ku dhuftay in cafis loo fidin doono Dadka da’da yar Ee Shabaabka qaldeen isagoo qiray in haatan dhalin yaro badan fahmeen qorshaha ay ka damacsanaayeen Meleeshiyaadka oo intabadan kusoo biiray Ciidmada Dowladda FKG Soomaaliya.

Wasiirka wasaaradda Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta mudane C/kariim Xasan Jaamac ayaa sheegay Boqolka maalin ay absadeen inay ku keeeen guulo la taaban karo isagoo dhulka ku xaaqay Meleeshiyaadka Shabaab oo haatan laga qabsaday Xarumihii ee Dadka Shacabka Soomaaliyeed ku marin habaabin jireen iyo Degmooyinka qaarna ay isaga baxayn cabsi ay ka qabaan Ciidamada Dowldda FKG Soomaaliya.

Xafiiska www.Bartamaha.com

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: