read more »">
Calendar

Sheekh Cumar Faaruuq Oo Ku Geeriyooday Boqortooyada Sacuudi Carabiya

4287-full-soBartamaha:Allah-Unaxariistee Sheekh Cumar Faaruuq Sheekh Cabdi Suldaan oo ka mid aha Culumada Somaaliyeed kuwa ugu caansanaa Dunida iyo waddamada Islaamka ayaa maanta ku geriyeeday Wadanka Sacudi Carabiya Ee Magaalada Jiida Ee Boqortooyada Sacudiga.

Jaraa’idyada kasoo baxa Waddanka Sacuudiya ayaa daabacay in Geerida Sheekh Cumar Faaruuq ay ahayd mid si kadis ah ah nafta ugu baxday iyadoo la arkay isagoo mayd ah oo saran Sariirtiisa.

Wadaadka geeriyooday ayaanan qabin wax xanuun ah isagoo xaaladiisa caafimaad ay aheyd mid caadi ah, Marxuumka ayaa ku caanbaxay fidinta Diinta Islaamka isagoo intuu dundia saarnaa ka qeyb galay Shirara waawyn oo ku sabsanaa Diinta Islaamka.

Allaha Unaxariistee Sheekh Cumar Faaruuq Sheekh C/suldaan  waxaa uu ku dhashay deegaanka Carmaale oo ku dhow magaalada Qalaafe, Sanadka markii uu ahaa 1949, Marxauunka ayaa markii la shaaciyay inuu geeriyooday waxaa ka naxay dhamaan muslimiinta Dunida.

Marxuumka waxuu ifka kaga tagay sida ay wariyeen Eheldiisala  15 Caruur oo u badan Wiilal, waxaana durbadiiba tacsi u diray ehalada uu ka faaruqay Sheekh Cumar Faaruuq, dhamaan Madaxwaynayaasha Dallaka Islaamka oo ka mid yahay Madaxwaynaha Dowaladda FKM Soomaaliya.

Xafiiska Batamaha.com

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: