Calendar

Wasiirka xanaanada xoolaha DFS oo boqasho kutegay maxjarada magaalada Boosaso (sawirro)

Boosaaso_ Wasiirka xanaanada xoolaha DFS. Saalim Caliyow Ibrow oo booqasho ku jooga magalada Boosaso ayaa maanta booqasho ukuurgelida kutegay maxjarada xoolaha ee kuyaala magaalada Boasaaso, waxana booqashada kuweheliyey wassiirka xanaanada xoolaha Punland Cabdullaahi Cali Ducaale.

Labada wasiir ayaa waxa kusoo dhoweeyey maxjarada guddomiyaha maxjarada puntland Maxamed Faarax Maxamuud, waxaana ay ku dhex wareegeen gudaha maxjarada iyagoona indho- indheeyey habka ay usocoto hawsha maxjarada magaalada Boosaso.

Goddomiyaha ayaa sheegay in xoolaha ku jira maxjarada loo dhoofinayo wadamada kala ah, Yaman, Isutaga imaaradka carabta, Cumaan, Sucuudiga, Qadar iyo Baxrayn, isagoona intaasi kudaray in xoolaha dhoofaya ay yihiin kuwo la hubiyey caafimaadkoda.

Dhinaca kale Wasiirka xananada xoolaha Soomaliya Saalim Caliyow Ibrow ayaa ku amaanay madaxda Maxjarada dadaalka ay ugu jiraan sidii xoolo tayo leh loogu dhoofin lahaa wadamada caalamka, wuxuu intaasi kudaray in ka dowlad ahaan ay xooga sari doonaan sidii loosii ballaarin lahaa suuqa xoolaha Somaliya.

Waa boqashadii ugu horaysay oo uu wasiir kasocda DFS kutago maxjarada Boosaso, tan iyo markii ay dhalatay xukuumada iminka hogaanka uhaysa mamulka Puntland.

20 21 22 23 24 25 26 27 28 29 33 36 38 39 40 41 42 44 45 46 47

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: