Calendar

Weerar Madaafiic ah oo xalay lagu qaaday Garoonka Magaalada Baydhabo

Weerarkaani oo ahaa Madaafiic lagu tuuray Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay ayaan la ogeen khasaaraha Rasmiga ah ee ka dhashay.

Dad deegaanka ah ayaa warbaahinta u sheegay in ay maqlayeen daryanka Madaafiic Xoogan kuwaasi oo la xaqiijiyay in intooda badan ay ku dheceen Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay.

Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ku sugan Ciidamo ka kala tirsan Kuwa dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada Ithopiya ee halkaasi ku sugan.

Sidoo Kale Kooxo hubeysan ayaa waxa ay xalay weerar ku qaadeen Bar Kontarool  oo Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku Leeyihiin Deegaanka Goof Gaduud ee Gobolkaasi Bay kaas oo inta la xaqiijiyay ay ku dhinteen illaa 3 qof.

Dhinacyada dowladda iyo Al Shabaab oo ka hadlay Iska Hor’imaadkaasi waxa ay labada dhinac Guulo Kakala sheegteen Iska Hor’imaadka dhexmaray.

Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay ayaa waxaa ku sugan wafdi Wasiiro iyo Masuuliyiin kala duwan oo dowladda Ka tirsan isugu Jira oo Maal mihii dambe halkaasi kulamo kula lahaa wax garadka iyo odayaasha Gobolkaasi Bay iyagoo kala hadlaya qorsho ku aadan Maamul KMG ah oo loo dhiso Gobolkaasi Bay.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: