Calendar

Jeneraal Bariise: Shaqada Booliska uma Joogsaneyso Weerarada Al Shabaab

Jeneraal cabdullaahi Xasan Bariise Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo kadib weerarkii shalay Ka dhacay Afaafka hore Madaxtooyada Shir Jar’id uu u qabtay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in Weerarada ay soo qaadayaan Ururka Al Shabaab aanu wax Niyad Jab ah ku keeni doonin Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ee ay sii wadan doonaan Waajibaadkooda amni xaqiijinta ah.

Mr Bariise ayaa sheegay in Al Shabaab ay ku Jabeen Gobolladii ay ka Maamulayeen dalka islamarkaana niyad dhis ay ugu sameynayaan Weerarada nuucaani ah taasna aaney habacsanaan ku keeni doonin howsha dar darta leh ee ay ku xaqiijinayaan ammaanka Shacabka sida uu hadalka u dhigay.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sidoo kale  tilmaamay in Handadaada Al Shabaab ee ku aadan in ay geysan doonaan Weeraro kale aanu waxba u dhimi doonin Howlaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ay ku sugayaan ammaanka Hase ahaatee ay tahay kuwa ay Niyad dhis ugu sameynayaan Dhalinyarada u dagaalanta.

Shalay ayay ahayd Markii Nin isku soo xiray walxaha qarxa  uu isku Hor qarxiyay Afaafka Hore Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya kaas oo la sheegay in uu horay Uga tirsanaa Ciidanka Nabad Sugidda Soomaaliyeed.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: