Published On: Wed, Jan 30th, 2013

Jeneraal Bariise: Shaqada Booliska uma Joogsaneyso Weerarada Al Shabaab

Share This
Tags

Jeneraal cabdullaahi Xasan Bariise Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo kadib weerarkii shalay Ka dhacay Afaafka hore Madaxtooyada Shir Jar’id uu u qabtay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in Weerarada ay soo qaadayaan Ururka Al Shabaab aanu wax Niyad Jab ah ku keeni doonin Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ee ay sii wadan doonaan Waajibaadkooda amni xaqiijinta ah.

Mr Bariise ayaa sheegay in Al Shabaab ay ku Jabeen Gobolladii ay ka Maamulayeen dalka islamarkaana niyad dhis ay ugu sameynayaan Weerarada nuucaani ah taasna aaney habacsanaan ku keeni doonin howsha dar darta leh ee ay ku xaqiijinayaan ammaanka Shacabka sida uu hadalka u dhigay.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sidoo kale  tilmaamay in Handadaada Al Shabaab ee ku aadan in ay geysan doonaan Weeraro kale aanu waxba u dhimi doonin Howlaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ay ku sugayaan ammaanka Hase ahaatee ay tahay kuwa ay Niyad dhis ugu sameynayaan Dhalinyarada u dagaalanta.

Shalay ayay ahayd Markii Nin isku soo xiray walxaha qarxa  uu isku Hor qarxiyay Afaafka Hore Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya kaas oo la sheegay in uu horay Uga tirsanaa Ciidanka Nabad Sugidda Soomaaliyeed.

Comments

comments

Powered by Facebook Comments

About the Author

-

Displaying 1 Comments
Have Your Say
  1. mohamed says:

    Waxan ka xumahay in qof somalia ah hada is ku qarxiyo qof kaloo muslim ah ama somali ah plz alshabaab hadii ay rabaan in ay is wada qarxiyaan ama jana radis ay yihiin wadamada kale ha adano? Aniga waxan nin dhalan yaro ah da daydu tahay 20 jir waxan ku nolahay dalka koon fur afrika waxan jeclahay wadankay bise intay alshaab iyo balaayo kale is ku qarxinayso dhibkaan aya isga jiraa? Coz of alshabaab

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Anti-Spam Protection by WP-SpamFree

 



Bartamaha is a SMO Company [ Somali Multimedia Organisation ]  



Our Partners
Raxanreeb
Soomaalo

Somali Websites
Hiiraan
AllPuntland
Jowhar

Somali Radios
VOA Somali
BBC Somali

International
Al Jazeera English
Al Jazeera Eng. LIVE

CNN
New York Times
Time Mag
Newsweek
Huffington Post
Daily Mail


var tb_pathToImage = "http://www.bartamaha.com/wp-includes/js/thickbox/loadingAnimation.gif";var tb_closeImage = "http://www.bartamaha.com/wp-includes/js/thickbox/tb-close.png";