read more »">
Calendar

Xaaladda Degmada Dhoobley Oo Saaka Kacsan iyo Dhimashada Labada Dhinac Oo Sii Kordheysa

bartamahaDhoobley/Bartamaha:Kadib Dagaalo Xoogan oo ka dahcay Oo Degmada Dhoobleey Ee Gobolka Jubada Hoose ayaa Saakay laga dareemayaa Daganaan iyo dhaqdhaqaaqyo Ciidamadii ku hardamay Dhoobley.

Degmada Dhoobley ayaa Todobaadyadii ugu danbeeyday noqtay Goob ay ku dagaalamayaan Ciidamada dowladda FKMG Soomaaliya iyo Kooxha kasoo horjeeda Dowladda Ee AL-Shabaab.

Xuduudda Dalka Kenya Ee Dhoobley ayaa Dagaalo ba’an ka dhacay Shalay iyadoo Madaafiicda iyo Rasaasta nooca xoogan la isku adeegsaday ayaa sababtay in markale Shacabkii halkaasi ku sugnaa ka barakacay iyadoo Maalmihii lasoo dhaafay noqotay jawi dagan kadib markii Al-Shabaab markale gacanta ku dhigeen Degmada Dhobley Ee Gobolka Jubadda Hoose.

Ciidamda Dowladda FKMG Soomaaliya ayaa heegan xoogan ugu jira sidii Ee Gacanta ugu dhigi lahaayeen Degmada Dhoobleey iyagoo xalay Madaafiic xogan ku weeraray Goobaha Meleeshiyadka Shabaab iyagoo haatan dhufayso Ee ku ganbadaan Shabaabka sameesteen.

Qasaaraha ugu badan Ee Dagaaladii ka dhacay Degmada Dhoobely Ee gobolka Jubada Hoose waxaa u badnaa Dhinacyadii dagaalamay, Xog Ee Heshay www.Bartamaha.com ayaa xaqiijiyay in 9-Ruux E ku dhinteen Dagaladani waxaana u badnaa Dhinacyadii Dagaalamay.

www.Bartamaha.com

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: