Calendar

Xaflada furitaanka Ururka aan dawliga aheyn ee GREEN SOMAALIA (SAWIRO)

chairman addressESKILSTUNA, FEBRUARY 1ST 2012 –  Urur u ololeyn doona dhowrida deegaanka Somalida (Somali environment) ayaa habeenkii 31st January 2012 laga furay magaalada Eskilstuna ee dalka Sweden  xaflad si heer sare loo soo agaasimay oo ay ka soo qayb galay dad Soomaali iyo Swedish kala ahaa.

Uruka oo laga magacabay GREEN SOMALIA wuxuu galaangal iyo u doodis u sammeyn doona dhowridda deegaanka Soomaalida oo ay waxyeello culus ka soo gaartay 20 sano ee dagaalada sokeyee ay dalka halakeyeen ee dhinaca wasaqeynta degaanka badda oo lagu shubay qashinka warshadaha  iyo haraaga nukliyarka ee wadamada hore u maray taasoo dhibaato weyn ay ka soo gaartay dadka xeebaha Soomaalida ku dhaqan iyagoo ay asiibtay xanuuno aan hore loo arag, dalaga beeraha oo dhalan rogmay, xoolaha oo dhogorta gadoontay iyo dhalashada ilmo aan laheyn xubnaha aadunuhu ka nafiso taranka labadaba iyo kuleylka cimilada, xaalufka dhulka beeraha iyo sababaha dhaliya.

Ururka GREEN SOMALIA wuxuu ku dadaali doona ka hortaaga geedaha loo gubayo dhuxusha, dhoofinta xoolo duurka, dabagalka tuugeysiga kheyraadka badda, dhibatoyinka laga dhaxlo  tahriibka, safrinta hubka sharci darrada, dhibaatada degaanka ka soo gaartay dagaalada sokeeye.

[slidepress gallery='50127']

Urukan wuxuu xiriir sokeeye la yeelan doona hay’adaha caalamka sida Hay’adda UNEP iyo kuwa dalka ee  ka hortagga degaan gadoonka (environmental degradation) waxaana lagu baahan doona ujeedooyinka ururka dhamaan Soomaliada ku dhaqan dalalka Scandinavia si ay door weyn uga qaataan dhowrista deegaanka Soomaalida ayadoo weliba kor loo soo qaadayo waciyi dadka si ay u noqdaan kuwo maskaxdoodu u furan tahay dhowrista deegaanka. Uruka waxaa u qorsheysan inuu  qabto shirar, aqoonisweydaarsiyo iyo tababaro ku saabsan dhowrista degaanka.

GREEN SOMALIA waxaa qorshaha ugu jira inuu xiriir la sammeeyo jaamacadaha caalamka si loo sammeeyo sahan iyo baaris ku saabsan heerka shuucaca nukliyaarka ee biyaha sumoobay ee xeebaha Soomaalida oo lagu tuhusan yahay in lagu shubay sunta iyo waxa loo qaban karo dadka hadda il daran xanuunada ay qaadeen.

Xafladda waxaa kaloo ka soo qayb galay Mr. Aulis Syvajarvi , madaxa xarunta tababarada xirfadaha, Mr. Lennart Eriksson iyo Mr. Sten Ullerstad oo kala tirsan urur dhowrista deeganka iyo dabeecada Eskiltuna iyo marti sharaf kale.

Dunida maanta waxaa degaanka loo aqoonsaday inuusan soohdin lahayn oo halkaa ay aafo xagga degaanka ah ay ka dhacdo ay saameyn weyn ku yeelanayso qaaradaha kala fog ee adduunka.

Shirka waxaa ka hadlay Guddoomiyaha KMG ee GREEN SOMALIA, Abdulkadir Mohamoud Walayo, Dr. Abdullahi elmi Asad, oo ku takhusay Biyaha iyo Deegaanka, Mr. Aulis Syvajarvi  iyo rag ka tirsan jaaliyada Soomaalida ee ku kala dhaqan magaalooyinka Vesteros, Stockholm Katerinholm, Halsthalhammar iyo Eskilstuna. Waxayna dhamaantood muujiyeen inay si hagar la’aan u taageeri doonan bacdama hawsha uu qabanayo ay tahay mid lagu badbaadinayo deegaanka Soomalida.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: