Calendar

Xasan Sheekh oo la kulmey xubno ka tirsan aqalka baarlamanka Mareykan-ka [SAWIRO]

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wadanka Mareykan-ka waxa uga bilowday safar uu ku joogi doono muddo maalmo ah.

Maalintiisi ugu horeysay ee safarka uu ku joogo Mareykan-ka ayuu Xasan Sheekh waxa uu la kulmey xubno ka tirsan aqalka hoose ee baarlamaanka Mareykan-ka kuwaas oo ka wada hadleen xaaladda Soomaaliya.

Ugu horeyn xubnaha baarlamaanka uu la kulmey oo ahaa kuwo iskugu jirey labada xisbi ee ugu waawayn ee Mareykan-ka ayaa waxa ugu hambalyeyeen xilka loo doortey.

Waxa ay kulankooda uga wada hadleen arimaha amaanka oo guulo badan ay ka gaareen ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ee garab galaya iney dhul badan ay ka qabsadaan kooxda Al shabaab isla markaane ay amaan dib ugu soo laabto magalada Muqdisho.

Waxa kale oo labada dhinac ay ka wada hadleen hormarka dhaqaalo ee dib ugu soo laabanayo Soomaaliya, gaar ahaan magalada Caasimadda ee Muqdisho halkaas oo u muuqato in nolosha ay dib u dhismayso.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la kulmi doono jaaliyadda Soomaalida ee ku nool Washington iyo agagaarkeeda.

Sidoo kale, waxa la filaya in maalmaha soo socdo uu la kulmo wasiiradda arimaha dibadda mareykan-ka ee xiloigeeda sii dhamaanayo Hillary Clinton oo ka wada hadli doonaan xiriirka labada dal iyo sidii loo sii hormarin lahaa.

 

Sawiro

[slidepress gallery='xasan-sheekh-oo-la-kulmey-xubno-ka-tirsan-aqalka-baarlamanka-mareykan']

 

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: