Calendar

Xildhibaan Katirsanaa Baarlamankii KMG, ahaa Oo muqdisho lagu toogtay

muqdishoKooxo hubaysan ayaa maanta dil ugu gaystay magaalada Muqdisho Xildhibaan horay uga mid ahaa Baarlamankii KMG ahaa, kaasi oo lagu magacaabi jiray Cumar Bagadi.

Goob joogayaal ayaa usheegay warbaahinta in dilka Xildhibaanku uu ka dhacay agagaarka gurigiisa oo ku yaala nawaaxiga Aargadii hore ee Wadajir, waxaana kooxdii dilka gaysatay ay isaga baxsadeen goobta.

Wararka ayaa sheegay in dilka marxuumka ay gaysteen dhalinyaro ku hubaysan Bistoolado, xili uu ku sugnaa banaanka hoyga uu deganaa, oo ay kasocotay hawlo dhismo, waxaana markii uu ka cararay ay ugu galeen gurigisa oo ay ku toogteen.

Majirto cid sicad usheegatay masuuliyada dilka loo gaystay marxuumka horay uga tirsanaa Baarlamankii KMG ahaa, waxaase uu qayb kanoqonayaa dilal maalmihii dame ka dhacayay Muqdisho, kuwaasi oo ay Al-shabaab ku beegsanaysay xildhibanada katirsan Baarlamanka.

www.Bartamaha.com

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: