Calendar

Maxamed Khalaf Aadan Shongole Oo Xalay Ku Geeriyooday Muqdisho

ShongoleAllaha u naxariistee waxaa xalay magaalada Muqdisho ku geeriyooday Maxamed Khalaf Aadan Shongole oo ahaa qabiir isboorti islamarkaana ahaa kabtanii ugu horeeyay ee Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda Cagta ah, waxaana lagu xusuustaa allaha u naxariistee howlo badan oo la xiriira isboorti ah, waxaana uu soo noqday guddoomiyaha Guddiga Olombikada gobolka Shabeelaha Dhexe..

Allaha u naxariistee Marxuum Shongole waxa waayihii ugu dambeeyay uu ku xanuunsanayay magaalada Muqdisho oo mid ka mid ah isbitaalada Magaalada lagu dabiibayay, waxaana Maxamed Khala f Shongole oo taariikh fog ku leh kubadda cagta ah ayaa waxa uu dhashay sanadkii 1934, waxaana hadda uu ku geeriyooday da’da 80-jir.

Mas’uuliyiinta Xiriirka Kubadda Cagta ah ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Allaha U Naxariistee Maxamed Khalaf Aadan Shongole, iyagoo Eebe Uga baryay in naxariistiisa uu siiyo.

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: