Calendar

Xukunno Isugu Jira Rajmin iyo Tacsiir Oo Galabta Ka Dhacay Deegaanka Ceelboon Ee Gobolka Bakool

tacsiirBartamaha(Ceelboon):- Maamulka Xarakatu Shabaabul Mujaahidiinta ee gobolka bakool ayaa galabta waxa ay xukuno kala duwan ku filiyeen laba qof oo kala ah wiil iyo gabar oo ku eedeysnaa in ay sameeyeen isu tag aan shareecada islaamka waafaqsaneyn.

Labadan qof oo kala ahaa wiil dhalinyaro ah iyo gabar la sheegay in ay hore u soo martay guur xalaal ah islamarkaasina u bareertay fal shareecada islaamka ka baxsan ayaa la sheegayaa in wiilkii lagu xukumay 100 karbaash halka gabadhiina ay muteysatay in la rajmiyo.

Wararka aynu ku heleyno deegaanka ceelboon oo katirsan gobolka bakool islamarkaasina ah goobta uu xukunkaasi ka dhacayay ayaa inoo xaqiijiyay in xukunkaasi uu dhacay galabta ayna kasoo qeybgaleen dadweeyne aad u fara badan oo doonayay in ay daawadaan qaabka uu xukunkaasi u dhacayo.

Goobta uu xukunka ka dhacayay ayaa amaankeeda waxa si weyn u adkeeyay ciidamada maamaulka Xarakatu shabaabul mujaahidiin ee ka arimiya gobolkaasi bakool iyadoo uu xukunkaasi u dhacay si nabadgelyo ah, waxaana goobta ka hadlay masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan maamulka islaamiga ah ee xarakada Alshabaab ee gobolkaasi bakool.

Sikastaba ha ahaatee ma ahan markii ugu horeeysay oo xukun kan lamid ah ay sameeyaan Xarakada shabaabul mujaahidiin ee ka arimiya inta badan koonfurta wadanka soomaaliya waxay xukunno kuwan la mid ah ka fuliyeen degmooyinka kismaayo, marka iyo weliba Wanlaweyn oo dhamaantood ah goobaha ay ka arimiyaan Xarakatu shabaabul mujaahidiin.

Warar xaqiiq ah kala soco www.Bartamaha.com

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: