Calendar

Xukuumada cusub oo shirtey

Ra’isal wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid ayaa shir gudoomiyey kulankii ugu horeyay ee golaha wasiirada iskugu yimaadan.

Kulanka wasiirada waxa looga hadlay sidii xukuumada cusub ay si wada jir ah iskula shaqeyn laheen, isla markaane loo muujin lahaa wax qabad muuqda.

Wasiirka warfaafinta iyo isgaarsiinta ee xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi oo warbaahinta la hadlay kulanka kaddib ayaa sheegay in sugista amaanka ay aheed mid kamid ah muhiimadaha ay dowlada xooga saarayso.

Ciil Mooge ayaa sidoo kale afka ku dhuftey iney ka wada hadleen sidii loo sooo celin lahaa hantida qaran ee luntey, dalka gudihiisa iyo dibadaba, waxana uu xusay in dowlad wanaag ay ka shaqeyneso xukuumada cusubi.

Xukuumada Cusub ayaa waxa horyaalo howlo badan oo la doonayo iney sida ugu dhaqsiyaha badan uga howl gasho oo kamid tahay sugista amaanka, maamul sameynta iyo iney muujiso dowlad wanaag.

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: