Calendar

Xukuumadda oo Cambaareysay Weerarkii Madaxtooyada

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), ayaa cambaareeyey weerarkii Fashilmay ee uu nin naftiisa Hiligay ku soo qaaday meel ku dhow hoyga uu degan yahay oo ku yaala Xarunta Madaxtooyada.

Weerarkan oo uu ku dhintay mid ka mid ah Askartii illaalada ka aheyd hoyga Ra’iisal Wasaaraha ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay saddex Askari, waxaana sidoo kale halkaasi ku Haligmay shaqsigii is qarxiyay, oo la aaminsan yahay inuu ka tirsanaa kooxaha Nabadiidka ah ee Al shabaab.

Shir jaraa’id oo uu qabtay Wasiirka Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka Mudane C/llaahi Ciil Mooge Xirsi ayuu ku sheegay in falkaasi uu ahaa mid Fashilmay ayna ka hortageen Askarta Dowladda ee illaalada ka ahaa Madaxtooyada, wuxuuna xusay in Xukuumadu ay ka hortagyso falalk ceynkan oo kale ah.

“Falkani wuxuu cadeyn u yahay sida Xukuumadu ugu howlan tahay Sugida Amniga maadaama laga hortegay ruuxii doonayay inuu isku qarxiyo Xafiisyada madaxda Dowladda” ayuu yiri Mudane Ciil Mooge oo xusay in kooxaha Nabadiidku ay marayaan heer Naf la caari ah.

Wasiirka ayaa xusay in kooxaha Nabadiidka ah ay ujeedadoodu tahay in dalka Soomaaliya uusan noqon dal Xuduudo leh, isla markaana leh Dowlad matasha, balse Madaxda Soomaaliyeed ay aaminsan yihiin in Soomaaliya ay tahay Dal madaxbanaan oo Xuduudo leh, sidoo kalena leh Dowlad iyaga matashada oo ay shacabku raali ka yihiin.

Ugu dambeyntiina, Wasiirku waxa uu Tacsi u diray, isaga oo ku hadlaya magaca Xukuumada Qoyskii, Qaraabadii iyo Ummadda Soomaaliyeed, geeridii ku timid Askarigii saaka ku geeriyooday falkan Fuleynimada ah, isaga oo u rajeeyey kuwa dhaawaca ahna inuu alle Bogsiiyo.

 

—–DHAMAAD—–

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: