read more »">
Calendar

Xarakada Al Shabaab Oo Sheegatay Mas’uuliyadda Weerarkii Madaxtooyada.

Xarakada Al Shabaab  ayaa  sheegatay mas’uuliyadda weerarkii is qarxinta  ahaa ee saaka lagu qaaday xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya .

War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska Warfaafinta ee Xarakada AlShabaab ayaa lagu sheegay in weerarka Ismiidaaminta ah ay maanta la beegsadeen xarun u dhexeysa guriga Ra’iisul wasaaraha iyo Safaarada Itoobiya halkaas oo ay ku sugnaayeen Saraakiil sar-sare oo ka tirsan kuwa ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya waa sida lagu yiri Bayaanka Al Shabaab

Qoraalka ayaa lagu sheegay in 7 katirsan Saraakiisha Nabad sugidda oo ay ku jiraan 3 ay Al Shabaab  si gaar ah intii muddo ah u ugaarsanayeen ay ku dhinteen weerarka Ismiidaaminta ah halka ay ku dhaawacmeen tobaneeyo kale waa sida ku qoran Bayaanka Al Shabaab.

Qoraalka Al Shabaab  kasoo baxay oo ku qornaa luqadda English-ka ayaa lagu sheegay in weerarkan uu qayb ka yahay weerarada ay Shabaabku  doonayaan in ay kula dagaalamaan Ciidamada dowladda  iyo Kuwa Midowga Afrika ee kaabaya  iyagoo ku goodiyay in Meel kasta ay ku beegsan doonaan Masuuliyiinta dowladda iyo Ciidamada Dowladda iyo Kuwa AMISOM intaba

Weerarkii ismiidiiminta ahaa ee ka dhacay Agagaarka xafiiska Ra’isal Wasaaraha ayaa Masuuliyiinta dowladda qaarkood oo kahadlay waxa ay sheegeen in ay ku dhinteen Askari iyo Ninka weerarka fuliyay  sidoo kalena uu Jiro dhaawac aan sidaa uu buureen iyadoo Ninka weerarka fuliyayna la sheegay in uu horay uga tirsanaa Hay’adda Nabad Sugidd ee dowladda Soomaaliya kaas oo  horayna uga soo goostay Ururka Al shabaab

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: