Author Archives: Garyare

Aniga kaliya iigu yeera Guddoomiye Miyuu noqday Caqliga Shiikh Ibrahim Guureeye??

Shalay  waxay aheyd maalin dadka badi ay u asteeyeen inay tahay maalin qosol iyo la yaab leh ,sababtoo ah guddoomiyihii hore ee Ahlusunnadda Gobolada Dhexe  Shiikh Ibrahim Guureeye dhawaana looga guuleystay tartankii hogaanka ururkaasi ayaa waxa uu ku dhawaaqay maamul … read more »

Posted in Maqaallo / Articles, Wararka Maanta | 1 Comment

Tartan kubada cagta ah oo loogu magac daray HIRDA oo ka furmay Garoonka Gaalkacyo (Sawiro)

Tartankan kubada cagta ah ayaa loogu magac daray HIRDA Peace Tourtnament, iyadoo ay ku tartamayaan afar kooxood oo ka kala socda Waqooyiga iyo Koonfurta magaalada Gaalkacyo. Koobkani ayaa ah mid looga gol leeyahay is dhexgalka dhallinyarada iyo qeybaha bulshada Gaalkacyo, … read more »

Posted in Wararka Maanta | Leave a comment

Somali update evening Famine in Horn of Africa

The Netherland-based organization HIRDA has organized a meeting  on 15/09/2011 at 6pm held in Volkskrantgebouw,  Wibautstraat 150,  ground floor and invited many NOG’s and the public  to watch a short documentary related about the famine crisis in Somalia .  Fatumo … read more »

Posted in Latest Somali News | Leave a comment

Hay’adda HIRDA oo soo qabanqaabisay kulan looga hadlayay xaalada Abaaraha ee Somaliya.

Hay’adda HIRDA oo xarunteedu tahay magaalada Amsterdam ee wadanka Holland ahna hay’ad ka hawlgasha Somaliya ayaa waxay soo abaabushey kulan looga warbixinayo xaaladda guud ee abaaraha wadanka ka jira iyo saameynta ay ku yeesheen wadanka. kulankaas waxaa warbixin ka soo … read more »

Posted in Wararka Maanta | Leave a comment

Hayádda HIRDA oo Talaal iyo qeybinta Maro-kaneeco ka bilowday Xerada qaxootiga ee Doolow Ado.

Hayádda HIRDA oo ka howl-gasha badi dalka somaliya ayaa waxaa ay xerada qaxootiga ee magaalada Doolow Ado ee gobolka Gedo ka bilowday talaal lagu sameynayo carurta qaxootiga ah ee ku jira xeradaasi,kuwaasi oo la sheegay inay da’doodu ay u dhaxeyso … read more »

Posted in Wararka Maanta | Leave a comment

Hayádda HIRDA oo gargaar ka qeybisay Xeradda barakacayaasha ee Magaalada Xudur (Warbixin iyo Sawiro)

Xerada barakacayaasha magaalada Xudur oo ka mid ah meelaha  ay ku jiraan Somalida ay saameysay abaarta xoogan ee ka jirta geyiga Somaliya ayaa waxaa iminka la gaarsiiyey gacanta gargaarka ee Hayádda HIRDA, waxaana halkaasi raashin loogu qeybiyey dad dhan 540 … read more »

Posted in Wararka Maanta | Leave a comment

HIRDA oo iskuul Waxbarasho oo ku yaala Magaallada Laascaanood ka hirgelisay biyo gelin (SAWIRRO)

Ururka HIRDA ayaa gudaha Magaalada Laascaanood  waxaa uu ku soo gabagabeeyey Howl Mashruuc balaaran oo dhismayayaal cusub loogu kordhinayey mid ka mid ah iskuul ku yaala Magaalada Laascaanood, Iskuulkaasi  oo lagu Magacaabo Saamalay Primary and Secondary School oo ay hadda … read more »

Posted in Wararka Maanta | Leave a comment

Hayádda HIRDA oo cuna qeybin ka sameysay xeryaha qaxootiga Gobolka Gedo.

Dhinaca kale barakacayaasha ay HIRDA kula kulantay gobolka Gedo ayaa dhankooda ka hadlay dhibka haysta iyo meelaha ay ka  kala yimaadeen,waxaana si naxariise ku jirto baaq ugu jeediyeen somalida Qurbaha iyo Beesha Caalamka. Hooyo ka mid aheyd qaxootiga ku jira … read more »

Posted in Wararka Maanta | Leave a comment

Wasiirka Beeraha Somaliya oo Rome uga qeybgalay shir looga hadlayey Abaaraha Somaliya

Mudane, Abdilaahi Xaaji Xassan Maxamed Nuur oo ah Wasiirka Beeraha dowlada ku meel gaar ka ah ee Somaliya ayaa maanta ka qeygalay shir looga hadlayey abaarta ka dhacday geeska Africa gaar ahaan dalka Somaliya,abaartaasi oo la sheegay inay saameyn xoogan … read more »

Posted in Wararka Maanta | Leave a comment

Cabudwaq oo laga furay tababarka Umulisooyinka iyo Gudniinka Gabdhaha .”warbixin iyo Sawiro”‏

Tababarkan oo ay soo qabanqaabiyeen ururka Karama Women Organization isla markaana ay maalgelisay Hayàdda HIRDA ayaa waxaa ka qeyb kaa qadayey qaar badan oo ka mid ah haweenka magaallada Cabudwaaq. Waxaana goobta lagu qabtay joogay bulshada qeybaheeda kale sida,Culimada,Haweenka,Aqoonyahanka iyo … read more »

Posted in Wararka Maanta | Leave a comment

Ururka Samafalka HIRDA oo iskuul Waxbarasho oo ku yaala Magaalada Kismaayo ku kordhiyey dhismayaal Cusub(Sawiro)

Ururka Samafalka Wadaniga ah ee HRDA ayaa gudaha Magaalada Kismaayo waxaa uu ku soo gabagabeeyey Howl Mashruuc balaaran oo dhismayayaal cusub loogu kordhinayey Mid ka mid ah iskuulkan  Waxbarashada ee ku yaala Magaalada Kismaayo,Iskuulkaasi  oo lagu Magacaabo Maxamed Jaamac Primary … read more »

Posted in Wararka Maanta | Leave a comment

Q.M oo kordhisay cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea saaran

Kulan ay Golaha amaanka ee Q.M ku yeesheen magaalada New York ayaa waxay mudo sanad kale ah ugu dareen waqtiga cuna qabateynta saaran wadamada Soomaaliya iyo Eritrea. Bayaan ay golaha amaanka ee Q,M soo saareen waxay ku sheegeen in muddo sanad dheeraad ah lagu … read more »

Posted in Wararka Maanta | Leave a comment

DKMG ah Ee Soomaaliya oo Beenisay inay Askareeyaan Caruur yaryar.

Taliyaha ciidamada xooga dalka soomaliyeed sareeye guuto cabdiqaadir Sh Cali Diini ayaa isagoo wareysi siinayay idaacada dowlada radio muqdisho waxaa uu beeniyay in ay dowladu Askareyso caruurta da’da yar Waxaana uu Sheegay in aysan  wax ka jirin war saxaafadu baahisay oo … read more »

Posted in Wararka Maanta | Leave a comment

Doorka ay ka gaysatay gurmadka abaaraha hay’adda SHC ee HOLLAND iyo 171,000 oo rakaaba

Hay’adda ( Samenwerkende Hulporganisaties ) ee marka la soo gabiyo la yidhaahdo SHC ee Hollandayaa qaaday talaabo qaylo dhaan ah oo baaho loogu ururinayo dadka ku lii’anaya abaaraha Bariga Afrika, boqolkiiba 33% ayaa taageeray qaylo dhaantan hakla boqlkiiba 61% ay ka … read more »

Posted in Wararka Maanta | Leave a comment

Maamulada Ahlusuna Waljameeca ee Wadanka Somalia oo Samaystay Official Website

Waxaa marki ugu horeysay si rasmi ah hawada u soo galay website ka rasmiga ah ee ku hadla afka Culumada Ahlusunna Waljameeca ee Wadanka Somalia. Website ka ayaa waxaa u noqonaya midki ugu horeyay ee si rasmi ah u hoostagaya … read more »

Posted in Wararka Maanta | Leave a comment

Belguim : Hawenka xidha Burqa iyo Niqaab waa todobaad jeel ah iyo ganaax

Dalka Belguim ayaa noqonaya wadankii labaad ee soo raca dalka faransiiska ee ka mamnuuca haweenka Islaamka ee xidhan Burqa iyo Niqaabka in ay raacan gaadiidka dadweynaha iyo in ay la soo dhex galaan goobaha dawaymaha. Baarlamanka dalka Belguim ayaa mar hor … read more »

Posted in Wararka Maanta | Leave a comment

Shirweynihi Ahlusunna Waljameeca oo Bari ka furmanaya Magalada Cabudwaaq ee Bartamaha Somalia.

Waxaa malinta Bari ah ka furmanaya magalada Cabudwaaq ee Bartamaha Somalia Shirweynihi Guud ee Culumada Ahlusunna Waljameeca qaas oo qaban qaabadisu ay socotay inka badan labo bilood. Shirkaan ayaa waxaa ka soo qaybgalaya Wuufud kala duwan oo ka kala timid … read more »

Posted in Wararka Maanta | Leave a comment

Shir looga hadlayay Doorka Warbaahinta ee joojinta gudniinka Gabdhaha iyo Dastuurka loo sameynayo Soomaaliya oo Holland lagu qabtay (SAWIRRO)

Shir looga hadlayay doorka ay Saxaafadda ku leedahay Dastuurka qabyada ah iyo joojinta gudniinka gabdhaha ayaa lagu qabtay magaalada Amsterdam ee dalka Holland. Shirkan oo ay soo qaban qaabisay Xarunta Horumarinta Warbaahinta ee Hayaan (HAYAN MEDIA AND DEVELOPMENT CENTER), isla … read more »

Posted in Wararka Maanta | Leave a comment

hoggaamiyeyaal qaranba mise horjoogeyaal burcad ?

Shariif Xasan wuxuu daaqada kala baxay  ra’íisulwasarihii dalka iyo dadkuba mahadiyaan labaatan sano oo an dalka lagu arkin hoggaamiye laftiisa la dalooliyo. Wuxuu dhinac maray barlamaankii asaga iyo saaxibadi ku soo dhisteen Kenya iyo Jibuti iyo wax kasta oo ay … read more »

Posted in Wararka Maanta | 1 Comment

Wasaaradda Waxbarshada dowladda KMG ah oo ku ammaantay Hay’adda HIRDA inay buuxisay baahida bulshada

Xaflad lagu soo xirayay tababar 40-macallin oo isugu jira rag iyo haween oo wax-ka-dhiga dugsiyada magaalada muqdisho oo soconayay shan maalmood ayaa shalay ka dhacay Muqdisho, taasoo ay kasoo qaybgaleen masuuliyiin ka kala socday wasaaradda waxbarshada, hidaha iyo tacliinta sare … read more »

Posted in Wararka Maanta | Leave a comment