Calendar

1da Luuliya oo Caasimada Puntland Garowe laga Xusay iyo Madaxweyne Gaas oo ka qayb galay

Abdiweli+Mohamed+Ali+5LAgytIEdqpmBARTAMAHA – Waxaa Xalay magaalada garoowe Ee Xaasimada Gobolka Nugaal lagu qabtay Munaasabad Balaraan oo ay ka qayb galeen Madaxda Dowlad Goboleedka Puntland oo uu ka mid yahay Madaxweyne C/wali Maxamed Cali Gaas iyo sidoo kale Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Siciid Xasan Shirre iyo Xubnaha Golayaasha iyo marti sharaf kale waxaana Munaasabadaan lagu weyneynayay Xuska 1da luuliyo.

Mas,uuliyiin kala duwan ayaa waxaa ay ka hadleen Xaflada dhamaantoodna waxaa ay ka mideysnaayeen ka hadalka Muhiimada Xoriyada iyo midnimada umada Soomaaliyeed waxaa Aad loo falanqeeyay Marxaladihii ay soo martay Xoriyada Soomaaliya Iyadoo ay ku baaqeen in Midnimada Soomaaliya la wada baadi goobo.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Mudane  Siciid Xasan Shire oo ka hadlay Xaflada ayaa waxaa uu ugu horeyn hambalyo u diray Guud ahaan Umada Soomaaliyeed gaar ahaan Shacabka Reer Puntland .

Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa isna ka hadlay Xaflada waxaana uu sheegay in Somalia Mudada ay ku jirtay Bur burka ay wax badan oo fursado ah ka lumeen isagoo u Rajeeyay in Sanadkaan Sanadka xiga Somalia oo mid ah iyo Dhibaatada iyo kala qaybsanaanta oo dhamaatay la gaaro.

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: