Calendar

Shabab oo weeraray Qoryooley

Dagaalyanada Al Shabaab ayaa dagaal culus waxay xalay ku qadeen Magaalada Qoryooleey ee Gobalka Shabeelaha hoose, Halkaas oo qasaare dhimasho iyo dhaawacba ka dhaceen

Screen shot 2014-07-03 at 11.01.10 PMDagaalkaan ayaa dadka Degmada Qoryooleey waxa ay sheegeen inuu ahaa mid aad uculus oo la maqlaye dhawaqa rasaas kala duwan oo kusoo dhaceysa fariisimada ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Amisom.

Guddoomiyihii hore ee Degmada Qoryooleey Cusmaan Sheekh Ali Buraale, ayaa wuxuu sheegay in dagaalkaasi xalay ay Shabaab kusoo qaadeen Qoryooleey uu ahaa mid culus oo biloowday fiidkii xalay.

Buraale ayaa xaqiijiyay inuu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya, hayeeshe ma aanu sheegin tiro rasmi ah oo ku aadan ciidamada geeriyooday iyo kuwa dhaawacmay.

Waxa uu sheegay in Al-Shabaabka weerarka soo qaaday ay gaarsiiyeen khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah, ayna iska caabiyeen weerarkaasi oo xalay fiidkii Xoogaga Al-Shabaab ay kusoo qaadeen.

Xaalada Degmada Qoryooleey ayaa saaka degan, mana jirto wax cabsi ah oo ka taagan Magaalada, ciidamada huwanta ee Magaalada ku sugana waxa ay fadhiyaan goobahooda ciidan.

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta and tagged , , , , .
« »

Comment: