Calendar

War saxaafadeed Shirkii caadiga ahaa ee Golaha Wasiiradda oo laga hadlay arimo dhoor ah sida dastuurka.

4367[1]Muqdisho, April 26, 2012—- Shirkii caadiga ahaa ee Golaha Wasiiradda ayaa maanta waxaa shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali, loogana hadlay warbixinta dastuurka, diyaargarawga shirweynaha weyn ee lagu ansixinayo dastuurka, arrimaha amniga iyo gobollada, dhismayaasha

 

 

 

wasaaradda Gaashaandhiga iyo olalaha warbaahineed ee ku aadan wax qabadka dawladda, roadmapka iyo dastuurka.

Ugu horreyntii Golaha ayaa waxaa warbixin faahfaahsan siiyay Wasiir ku xigeenka Dastuurka Mudane Cabdikariin Buux oo ka warbixiyay heerarkii ay soo martay dastuur sameynta iyo shaqadii hagar la’aanta ahayd ee guddiga khubarada oo ay muddo kooban kusoo afjareen qoraalka dastuurka, Wasiirka ayaa mahad ballaaran u celiyay dhammaan dadkii gacan ka geystay inuu dastuurka xilligii loogu tala galay ku dhamaado gaar ahaan Guddiga Madaxa Bannaan ee dastuurka (IFCC), Guddiga Khubarada, Wasaaradda Dastuurka iyo Guddiga Wadajirka ah ee dastuur sameynta (JCU).

Wasiir ku Xigeenka Dastuurka ayaa sheegay iney ku jireen guddiga khubarada laba xeel dheere oo ku takhususay shareecada Islaamka oo mar walba ay ula laabanayeen wixii ku saabsan shareecada Islaamka, sidoo kale wuxuu ballan qaaday in loo bandhigi doono “Sharia Audit” oo ah culimada Soomaaliyeed iney ka eegi doonaan shareecada, wacyigelinta dastuurka ayaa socon doonta muddada 4ta sano ee soo socota sidii dadka loo baro waxa uu yahay dastuurkan.

Golaha ayaa sidoo kale ka hadlay sidii loogu diyaar garoobi lahaa shir weynaha lagu qaban doona magaalada oo lagu wado in lagu ansixiyo dastuurka, waxey sidoo kale golaha iska xilsaareen inuu shirkaas ku dhaco sida ugu wanaagsan dhan walba, xagga amniga, habmaamuuska iyo adeegyada kasoo qeyb galayaasha.

Ra’iisal Wasaare Ku Xigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhigga ayaa ka warramay horumarka gobollada ay ka gaareen ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed sidoo kalena ku ammaanay ciidanka guulihii ay kasoo hooyeen cadawga iyo geesinnimada ay muujiyeen, sidoo kale, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Gudaha Mudane Cabdi Cali Xasan ayaa sheegay in 24-kii saac oo ugu danbeeyay ay xasillooneed magaalada laakiin aad digniin ugu baxshay in muddada soo socotta feejignaan dheeraad ah la yeesho maadaama shir muhiim ah uu nagu soo food leeyahay.

Ugu danbeyntii, Golaha ayaa waxey isla qaateen inla soo celiyo olalihii wax qabadka xukuumadda si loo muujiyo horumarka laga gaaray Roadmap-ka, sameynta dastuurka, amniga, waxbarashada, iyo dib u dhiska magaalada.

-DHAMAAD -

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: