Calendar

Al Shabaab oo ka baxday deegaamo ka tirsan Galgaduud

Maleeshiyaadka Kooxda Al Shabaab ayaa iskaga baxay deegaamo ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in deegamadda Ceel-garas iyo Ceel dheere ay iskaga baxeen iyagoo wata gaadiidkooda dagaalka, ayna ku jiheysten dhanka gobolka Hiiraan.

Ma jirto wax hadal ah oo arintaas ku saabsan oo kazoo baxay dhinaca Ahlu Suna oo gobolka Galgaduud degmooyin dhowr ah horey uga qabsatey Al Shabaab.

Degmada Ceel Buur oo isana ay gacanta ku hayaan kooxda Al Shabaab ayaa la sheegayaa iney jirto qalqal iyadoona ay jirto jahawareer haysta ciidamada Al Shabaab.

Ganacsato ka tirsan dadka deegaanka ayaa xabsiga magalada CEel Buur loo taxaabay kuwaas oo lagu eedeyay iney magalada Soo galiyeen Qaad iyadona dadka deegaanka ay sheegayaan in jirdil loo geystan.

Al Shabaab ayaa sanadkii lasoo dhaafay waxa laga qabsaday magaalooyin badan oo koofurta iyo bartamaha Soomaaliya halkaas oo sanado dhowr ah ku awood badneed.

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: