Calendar

AMISOM oo walaac ka muujisay musuqmaasuqii ay ku kaceen askarta Uganda , masuuliyadana saartay dawlada Uganda

imagesTaliska AMISOM ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay musuq maasuqii ay ku kaceen Saraakiil iyo askar ka tirsan Ciidamada AMISOM ee ka socda dalka Uganda, kaasoo keenay in shaqada laga fariisiyo.

Afhayeenka Ciidamada AMISOM Col. Cali Aadan Xumad ayaa sheegay in musuq maasuqii ayku kaceen Askarta ka socota dalka Uganda ay tahay wax quseyso dowladda Uganda, isla markaana ay socdaan baaritaan.

Col. Cali Aadan ayaa sheegay in wixii dhacay aanay mar dambe soo noqon doonin, isagoo tibaaxay inay ka feejigan yihiin sida uu yiri.  Dowladda Uganda ayaa ilaa 20-askari oo uu ku jiro Taliyihii Ciidamada Uganda ee Soomaaliya shaqada ka fariisisay, iyadoo baaritaano ku socda, kadib markii looga yeeray Kampala.

Sarkaal ka tirsan Wasaarada Gaashaandhiga Uganda ayaa sheegay in askartaas lagu helay inay xatooyo ku sameeyeen sida sahaydii ciidamada iyo shidaalka oo ay iibsadeen.  Ciidamada AMISOM ayaa waxaa dowladaha Midowga Yurub iyo Mareykanka ay ugu deeqaan lacago fara badan, iyadoo arrinta musuq maasuqa ay saameyn ku yeelan karto gar gaarka ay ka helaan beesha Caalamka.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: