Calendar

Uganda oo Soomaaliya u soo diraysa ku dhawaad 3000 kun oo askari oo horleh

Ciidamada Cusub ee Uganda u soo dirayso Soomaaliya ayaa waxaa la sheegay in ay gaarayan illaa 2,900 oo Askari kuwaas oo ku biiri doona Ciidamada Nabad ilaalinta ah ee AMISOM Soomaaliya.

Guutadaan Cusub ee Uganda u soo direyso Soomaaliya ayaa waxaa Hogaamin doona Brigadier Dick Olum, waxaana la filayaa in dhawaan ay soo gaaraan Soomaaliya si ay uga mid noqdaan Ciidamada Nabad ilaalinta ah ee AMISOM Soomaaliya.

Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa xilli uu khudbad ka jeedinayay Meesha loo yaqaano Singo oo tababar uga soconayay Mudo Sadex Bil ah loogu soo gabagabeeyay Guuto Cusub oo ciidamada Uganda u soo dirayso Soomaaliya ayaa waxa uu kula dardaarmay Ciidamadaan Cusub ee Soomaaliya loo dirayo  in ay lahaadaan anshax wanaagsan isagoona sheegay in ay Matalayaan dowlada Uganda iyo waliba Ciidamada Qaranka Uganda sidaa daraadeedna looga baahanyahay in Bulshada Soomaaliyeed  ay kula dhaqmaan Anshax Wanaagsan.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: