Calendar

askar ka tirsan ciidamada amaanka ee maamulka juba oo lagu laayay magalada kismaayo

wararka naga soo gaarayo magaalada kismaayo ayaa sheegayo in hameenimadi xalay kooxo hubaysani ay dil u gaysteen sadex askari oo ka tirsan ciidanka amaanka ee maamulka KMG ee juba

dad goob joogayaal ah ayaa u sheegey warbaahinta bartamaha in askartaasu lagu dilka loogu gaystey xaafada lagu magacaabo via afmadow oo katirsan magaalada kismaayo ee jubada hoose sido kalena kooxihii dilka gaystey ay ka baxsadeen goobtaasi

Ciidamada ammaanka ee maamulka KMG ah ee Jubba ayaa gaaray goobta ay wax ka dhaceen, waxayna sameeyeen howlgallo aan la sheegin cid lagu qabtay.

Lama garanayo sababta iyo cidda ka dambaysay dilka saddexda askari.

Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose oo xarun u ah maamulka KMG ah ee Jubba ayaa maalmahan waxaa ku soo kordhaya dilal qorshaysan oo inta badan loo geysto askarta maamulka.

caasimada gobalka jubada hoose ee kismaayo xaruntana u ah maamulka KMG ah ee juba ayaa waxaa maalmahani kusoo badanayay dilalka qorshaysan ee loogaysanayo askarta ka tirsan maamulka juba ee uu hogaamiyo axmed madoobe

sido kale ilaa hada wax war ah kama aysan soo saarin maamulka askartaasi

 

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: