Calendar

dagmada bacaadwayn oo shuban biyoon ka dilaacay iyo caruur ku geeriyootey

wararka naga soo gaaraya dagmada bacaadwayn ee gobalka mudug ayaa sheegaya in halkaasi ay ku geeriyooden caruur gaareysa sadex kuwa kalena ay aad u liitaan ka dib markuu dagaankaasi ka dilaacay cudurka shuban biyoodka

gudoomiyaha gagmada bacaadwayn Maxamed Saciid Axmed ayaa warbaahinta bartamaha u sheegey in cudurkani lagu arkay deegankaasi mudo sadex maalin laga joogo asagoona intaasi ku daray in ilaahada uu dilay cudurkaasi  sadex caruur ah tiro kalana ay u liitaan, dhinaca kale gudoomiyaha dagmada bacaadwayn Wuxuu sheegey in dadku aysan helin wax gargaar ah, ayna u baahan yihiin gurmad degdeg ah in lalal soo gaaro.

sido kale Dr. Maxamed Axmed Shiino oo ka mid ah mas’uuliyiinta isbitaalka Gaalkacyo ayaa asna cadeyey in la soo gaarsiiyay ugu yaraan 13 caruur ah  oo la il-daran cudurka shuban-biyoodka, kuwaas oo isugu jira carruur yar yar iyo kuwa roon roonba,

DR, shine ayaa  dhinaca kale sheegey in cudurkani uu sababay cimilada oo ah mid aah u kulul iyo dadka oonan cabin biyo nadiif ah

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: