Calendar

gaari rakaab wada oo ku qarxay dagmada dhabad iyo dad ku leday

wararka naga soo gaaraya Deegaanka Dhabad ee
gobolka Galgaduud ayaa waxa ay
ku sheegayaan in uu gaari ka mid
ah kuwa rakaabka qaada uu haleelay
Qaraxka dhacay Wado uu ku
socday,
Qaraxa ayaa ahaa Kuwo Haraadi
ah oo Dagaaladii u dhaxeeyay
Ciidamada Itoobiya iyo Dowlada
Soomaaliya goobahaas looga tagay
sida la sheegay,
Gaariga uu qarax Qabsaday oo ay
dadka ku dhinteen ayaa la
tilmaamay in uu ka soo weekday
Wado ay marto gawaarida oo
deegankaasi kuyaal madaama uu
wadihii gaariga uu diidanaa in uu
jiiro ciid badan oo xirtay
wadadaasi kana door biday Jidad
Howd Cidla ah oo ay gawaarida
doonayaan in ay wado kafalaan
sida ay u isticmaalaan,
Inta la hubo Afar qof ayaa ku
geeriyootay tiro intaa ka badana
wey ku dhaawacmeen qaraxaasi
iskiisa iskaga qarax oo ahaaa
nuuca loo yaqaano walxaha qarax
ee Haraadiga ah,
Gudoomiyaha Deegaanka Dhabad
ee Gobolka Galgaduud Aadan C/
Nuur Galaal Ayaa warbaahinta bartamaha
u sheegey Arintaasi isagoo dhinaca kale
sheegay in maamulkiisa ay
Gurmad u sameeyeen dadkii
waxku noqday qaraxaasi iska
qarxay markii ay kortay Awood ka
Xoog badan,
Dalka Soomaaliya goobo fara
badan ayaa waxaa lagu arkaa
Haraadiga waxlxaha qarax oo
dhulka looga tagay xiliyadii ay
jireen dagaalada dalka soomaaliya
ka dhacayay cidwalbaba ha u
dhaxeeyee iyadoona dad badan ay
ku dhintaan qaraxyadaas,

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: