Calendar

Askar lagu laayay isgooska Dabka Mogadishu maalintii kowaad ee Ramadanka

Sida uu wariyaheena Mogadishu kusoo waramayo ayaa sheegayaa in labo Dhalin yaro ah oo Bastoolado ku hubeysan ay Toogteen labo ka mid ah Ciidanka Taraafikada Somalia oo ku sugnaa Isgooska Dabka Ee Wadada maka al mukarama Ee Magaalada Muqdisho Halkaa oo ay labada askari ka wadeen Howlo Shaqo.

Askartan la dilay ayaa waxaa la sheegay in ay dhawaanahaanba Isgooskaas ka Howl galayeen labada nin Ee Dilka Geysatay ayaa waxaa la sheegay in ay Dilka ka dib Goobta ka Baxsadeen Dadkii ka agdhawaa Goobta ayaa Iyana kala cararay Iyadoo Maydkoodu uu Goobta yaalay waqti kooban in kastoo markii Dambe laga qaaday .

Haweeney  Goobta Gaari ku sugeysay Waqtiga dilku dhacayay oo Aanu la hadalnay ayaa waxaa ay sheegtay in ay arkeysay labo Dhalin yaro ah oo isku Mar Rasaas la dhacay labada askari oo Taagnaa Isgooska Dabka Dhanka Suuqa Bakaaraha ka dibna Dhalinyaradii markii ay dhulka dhaceen labada askari ay  dhanka suuqa Bakaaraha u Baxsadeen ,

Ciidamo ayaa Goobta tagay  iyadoo ay Mudo yar xireen isu socodka Bulshada Wadada isticmaaleysay iyadoo wadadaasi ay tahay Wado Aad u saxmad badan oo ay isticmaalaan Dad weyne Aad u Badan oo Mas.uuliyiinta Dowladda ay ka mid yihiin .

Dhanka kalena Xaafada Suuqa Xoolaha Ee Degmada Hiliwaa ayaa waxaa iyana Goor dhaw lagu toogtay Akari ka tirsanaa Ciidanka Milatariga Somalia kaas oo isagoo Marayay Xaafadaas ay Rag Bastoolado ku hubeysan ay Toogteen sida ay noo Xaqiijiyeen Dad Goobta ka agdhawaa,

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: