Calendar

askarta uganda oo rafaad dheer u mara ka mid noqoshada ciidamada amisom ee somaliya jooga

Madaxda ciidamada Milliteriga dowlada Uganda ayaa dabag galo ku haya kadib markiii la sheegay inay Taliyayaasha Ciiddanka  AMISOM soo xulo ay lacago ku xiraan Ciiddamadda si loogu oggolaado inay ka mid noqdaan Guutooyin cusub ee loogu talagalay in la geeyo  dalka Somalia si ay uga biiraan hawlgalka AMISOM ee kasocdo soomaaliya

Jariirada The Observer ee ka soo baxa magaallo madaxda Uganda ee Kampala, ayaa maanta cadeysey in baaritaan dheer kadib, ay ku soo ogaadeen in Taliyayaasha Ciiddanka Difaaca Uganda (UPDF) ku gorogrtamaan Askari kasta oo doonaya inuu ka mid noqdo Ciiddamadda lagu kordhinayo Hawlgalka AMISOM inuu bixiyo lacag hawl-fudueyn ah oo kor u dhafaysa 500-kun ilaa hal million oo Shillinka Lacagta dalka Uganda.

Ciiddanka ku guuleysta ka midnoqoshada Unugyadda ugu horeeya ayaa waxay mar kale dhibaato kala kulmayaan inta ay ku jiraan Tababarka lagu cusbooneysiinayo si ay ugu diyaar- garoobaan in lageeyo dalka Somalia. Ilo dhinaca Milliteriga ayaa u sheegay Wargeyska The Observer in qeybo badan oo ka mid ah Ciiddanka bixiyaan lacag badan , si loogu xaqiijiyo inay ka mid yihiin Ciiddanka loo daad-gureynayo Hawlgalka AMISOM. Taliye kasta ayaa soo xusha Ciiddanka uga mid noqonayo Guutadda loo tababaryo, ka mid noqoshada Hawlgalka AMISOM,

waxayna Askarta rumeysan yihiin in Askarigii loo qaado Hawlgalka AMISOM inuu macaash badan la soo laabanayo 12-bilood kadib. Gorgortanka xulashadda Askarta doonaysa inay ka mid noqdaan Ciiddanka ku biiri doono AMISOM waxaa laga dareemaa Dugsiga Tababarka Ciiddanka Uganda oo ku yaalla Deegaanka Singo,

dugsigaasi oo askarta lagu siiyo dib- u-carbin si ay uga mid noqdaan Ciiddanka lagu darayo hawlgalka AMISOM.

Dhinaca kale, Afhayeenka Milliteriga Uganda, Gaashaanle Sare Paddy Akunda ayaa sheegay inay baaritaan ku hayaan arrimahaasi, wuxuuna ku goodiyey in la ciqaabi doono kuwa lagu helo dembiyadaasi.

Sido kale Askarta Uganda ee ka mid noqda Hawlgalka AMISOM, ayaa loo ogol yahay inuu muddo 12 bilood la shaqeeyaan AMISOM, kadibna lagu celiyo dalkooda hooyo, iyadoo Askar cusub lagu soo beddelayo. Uganda waa dalkii ugu horreeyey ee Ciiddamo ku soo biiriyey Hawlgalka AMISOM, waana dalka ciiddamadda ugu badan ka joogaan dalka Somalia. Shabakadda AMISOM ayaa lagu daabacay inay xilligan 6,233 Askari oo Ugandhese ah ku sugan yihiin gudaha dalka Somalia.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: