Calendar

diblamaasiyiin uu kamid yahay qunsulii safarada somalia ee kenya oo xabsiga la dhigay

ciidamada Booliska dowlada  Kenya  ayaa Hawlgal ay  ka sameeyeen xaafada Helingam ayay xalay kusoo qabteen qunsulki safaarada Soomaaliya u joogay dalka Kenya Siyaad Max;ud Shire.

Mudane Siyaad ayaa la geeyey saldhiga booliska Kalimaani halkaas oo su’alo ay ku weydiiyeen ciidamada kadibna waxaa ay ku xireen saldhiga ciidamada haligam

Dhinaca kale Safirka Soomaaliya u jooga Kenya Cali Ameerika aya dadaal dheer kadib ku guuleystay inuu qunsulka xabsiga ka sii daayo kadib mudo  laba saacadood oo uu xirnaa qunsulka.

Qunsulka ayaa waxaa lala qabtay siyaasiyiin Soomaliyeed oo uu ka mid ahaa maareeyihi hore ee dekeda Muqdisho Siid Cali iyo kuwo kale kuwaas oo wali ku jira gacanta ciidamada booliska ,

Booliska  ayaa la sheegay in ay ka diideen aqoonsigiisa Diplomaasinimo taas oo cadeyneysa in Kenya aysan ixtiraameynin xitaa diplomaasiyiinta Soomaaliya.

Madaxa amaanka safaarada Siyaad Abdi ayaa la sheegay inuu si gaar ah uga qeybgalay sii deynta qunsulka . Xaalada ayaa kacsan waxaana shir deg deg ah xiligan ku jira guriga safiirka qunsulka iyo safiirka oo ay dhici karto iney soo saaraan go’aan ku aadan xariga qunsulka

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: