Calendar

Gudoomiyaha gobalka hiiran oo ka hadlay biyo la’aanta ba’an ee ka jirta gobalkaasi

Gudoomiyaha maamulka dowlada fedaralka ah ee soomaalia ayaa ka hadlay biyo la’aan ba’an oo soo wajahday deegaano ka tirsan gobalka hiiran iyo galgaduud

Duqa degmada Beledweyne Cumar Aaden Ibraahim oo la haday warbaahinta bartamaha  ayaa qiray in xaalad biyo la’aan oo ba’an ay ka jirto deeganno hoos hoos yimaada deeganada Beledweyne, Matabaan iyo Maxaas.

Duqa ayaa ku baaqay in berri shir deg-deg laga yeesho xaaladda biyo la’aanta ah ee ka jirta dagmooyinkaasi.

Dhinaca kale Guddoomiyaha degmada Beledweyne, Maxamed Cismaan Cabdi ayaa isna ku baaqay in deg-deg loo gaarsiiyo gurmado dadka oonka ugu dhimanaya deegaanno hoos taga  degmada Beledweyne iyo degmooyin kale ee gobolkaasi

Warar naga soo garay gobolka Hiiraan ayaa xaqiijiyay in shalay iyo maanta kaliya ah ay ku adhinteen dad gaaraya 11 qof dhowr dagmo oo hoos taga degmooyinka Matabaan iyo Maxaas oo intaba ka tirsan gobolka Hiiraan.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: