Calendar

shir dib u hishiisiin ah oo markale ka furmay magaalad kismaayo

maanta ayaa magaalada kismaayo ee xarunta gobalka jubada hoose waxaa si toos ah ooga bilaabmay qayb tii labaad ee shirka dib u hishiisiinta bulshada ku dhaqan gobalada jubooyinka iyo gado

Shirka oo socon doona 15 cisho ayaa waxaa soo qabanqaabiyey xukuumadda federaalka Soomaaliya, waxaana ka qeyb-galaya mas’uuliyiin ka kala tirsan goleyaasha xukuumadda iyo baarlamaanka ee dowladda dhexe ee Soomaaliya, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada gobollada Jubbooyinka.

shirkan dib u hishiisiinta ah ee bulshada jubaland  ayaa socon doono mudo shan iyo toban cisho ah , waxaana ka qayb galaya siyaasiyiin kala duwan oo kala matalaya bulshada jubooyin iyo gado iyo sido kake dowlada fedaralka somalia , sido kale  xubno kamid ah barlamaanka dowlada dhaxe ee somalia , shirkan ayaa waxaa soo agasimay dowlada fedaralka ah ee somalia uguna tala gashay in xalwaara looga gaaro xaalada xasilooni daro ee ka taagan gobalada jubooyinka

dhinaca kale  Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Maamulka KMG ah ee Jubba Gen. Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo furay shirka ayaa sheegay in shirku yahay mid taariikhi ah oo ku weyn bulshada gobollada Jubbooyinka.

Gen. Fartaag  ayaa kula dardaarmay bulshooyinka saddexda gobol ee Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Gedo inay ilaaliyaan nabadgelyada iyo midnimada, si looga gudbo dhibaatooyinka kala duwan.

Shirka maanta ka furmay Kismaayo ayaa lagu wadaa inuu ku xigi doono shir kale oo lagu qaban doono magaalada Doolow ee gobolka Gedo.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: