Calendar

Dagaal qasaaro geystey oo ka dhacay Sool.

Wararka naga soo gaaraya dhanka Gobalka Sool ayaa waxaa ay sheegayaan in sacadihii ugu danbeeyay deegaano ka tirsan Gobalka Sool uu dagaal xoogan uu ku dhaxmarey ciidamada maamulka Soomaaliland iyo kuwa maamulka kale ee Khaatumo State,halkaasina qasaaro ka dhashey.

 

Dad deegaanka ah ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaalka uu ahaa mid aad u kulul islamarkaana uu ka danbeeyay kadib markii ciidamo ka tirsan Maamulka Khaatuma State ay weerar xoogan ay ku qaadeen fariisamo ciidamada Soomaaliland ay ku leeyihiin Duleedka Magaalada Laascaanood ee Gobalka Sool.
Dagaalka oo mudo saacadaha ah socdey ayaa waxaa la isku adeegsadey hubka noocyadiisa kala duwan,hase ahaatee dagaalka ayaa waxaa la tilmaamay inuu qasaaro xoogan iyo saameynba u geystay dadka ku dhaqan Magaalada Laascaanood iyo deegaanada kale ee ku xeeran.
Inta la xaqiijiyey dagaalka ka dhacay duleedka Magaalada laascaanood ee xarunta Gobalka Sool oo u dhaxeeyay ciidamada Maamulka Soomaaliland iyo Khaatuma ayaa waxaa ku dhintey in ka badan 10-ruux halka tiro kale oo intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen sida ay sheegeen dadka deegaanka.
Dadka qasaaraha dhimasho iyo dhaawac soo gaarey ayaa waxa ay u badan yihiin labada dhinac hasa ahaatee waxaa jira dad kale oo rayid ah oo qasaaro kasoo gaartey dagaalka ka dhacay Duleedka magaalada Laascaano,waxaana saaka degan xaalada goobtii dagaalka uu ka dhacay.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: