Calendar

Kuwait oo maalgalin doonto dhulka puntland

Dowladan goboleedka Puntland ayaa shaaciyay in dhowaan uu billaabandoono howlaha fulinta mashaariic lagu dhisayo garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe iyo jaamacadda degaanka Baran ee gobolka Sanaag.

Wasiirka maaliyadda dowlada Puntland, mudane Shire Xaaji Faarax oo maanta warbaahinta bartamaha kula hadlay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa inoo xaqiijiyay in howlaha mashaariicdani ay fulinayso dowladda boqortooyada Kuwait ay billaaban doonan wakhti dhow, laguna dhamays tiri doono mudo 20 bilood ah,

Mudane Shire Xaaji Faarax  ayaa tilmaamay in uu furan yahay wakhti xaadirkani tartanka loo galayo fulinta mashaariicdani labada mashruuc ah,

Dhinaca kale wasiirka ayaa ka codsaday shacabka Puntland inay ka qeyb-qaataan guud ahaan adkaynta nabadgelyada, gaar ahaan ilaalinta nabadgelyada martida Puntland, si looga faa’iidaysto xiriirka maamulka iyo bulshooyinka caalamka.

Wasaaradda maaliyadda dowlada Puntland iyo dowladda dalka Kuwait ayaa dhowaan kala saxiixday mashaariic lagu dhisayo garoonka diyaaradaha Garoowe iyo jaamacadda degmada Baran.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: