Calendar

Booliska Soomaaliya oo xabsiga u taxaabay wadaad ka tirsan kooxda Ahlu sunna Waljamaaca

Sheekh C/qaadir Soomow oo ah Afhayeenka Ciidamada Ahlusunna Waljamaaca ayaa Maanta waxaa Xabsiga u taxaabay Ciidamo boolis ah.

Taliye Ku xigeenka dambi barista Ciidanka dowladda ayaa la sheegay in Sheekha uu ku war geliyay in amar Madaxweyne uu ku xiran yahay.

Sheekh Soomow qudhiisa oo inta aan Taleefankiisa gacanta laga damin la  hadlay qaar kamid ah warbaahinta Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Talisyada Nabad Sugida Qaranka , iyo dambi baarista ay ku wargeliyeen in Amar Madaxweyne uu ku xiranyahay.

Sheekh C/qaadir Soomow ayaa kamid ahaa culumadii ka qeyb gashay Shirkii muddo Magaalada Muqdisho ay ku yeesheen Culumaa’udiinka Soomaaliyeed oo ay ka soo bexeen qodobo ka dhan ah Ururka Al Shabaab.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: