Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya oo baajiyay kalfadhigii baarlamaanka maanta u furmi lahaa
Prof. Maxamed Cismaan Jawaarii ayaa baajiyay kalfadhigii maanta kadib markii uu buuxsami waayay kooramkii oo ahaa inay yimaadaan aqalka 3 meelood, 2 meelood taasoo keentay in gudoomiyaha baarlamaanku uu ku dhawaaqo in kooramku uu buuxsami waayay.
waxaana soo xaadiray aqalka 133, iyadoo kooramka uu ku buuxsami lahaa 139 xildhibaan.
Waxaana la filayaa in gudoomiyaha baarlamaanku uu codsado in la ganaaxo xildhibaanada imaan waayay fadhiyada baarlamaanka iyagoon haysanin fasax rasmi ah oo ay ka heleen gudoonka baarlamaanka.
Qaar kamid ah xildhibaanadii maanta soo xaadiray ayaa si kulul u weeraray mudanayaasha imaan waayay iyagoo ku eedeeyay inay gudan waayeen waajibkoodii qaranka kaga aadana iyo kii kaga aadana shacabka ay matalaanba.
Comments
comments
Category : Wararka Maanta.