Calendar

Burcad badeed Soomaali ah oo Maxkamad lagu soo taagay dalka Spain

imagesKu dhawaad 6 Burcad badeed Soomaali ah ayaa waxa ay ka soo muuqdeen Maxkamad ku taala dalka Spain.

Burcad badeedaan Soomaalida ah ayaa waxaa lagu soo oogay dacwad ah in ay Weerareen Markab dagaal oo laga leeyahay dalka Spain Sanadkii 2012, isagoo maraya Xeebaha dalka Soomaaliya.

Dambi oogayaasha  Maxkamada ayaa waxa ay codsadeen  Maxkamada  in lagu xukumo Nimankan Burcad badeeda midkiiba xarig gaaraya 23 Sano.

Afhayeenka Maxkamada Qaranka dalka Spain  ayaa sheegay in Nimankan Burcad badeeda loo haysto Falal burcad badeednimo iyo in ay katirsanyihiin Koox dambiilayaal oo uu ula jeeday Burcad baddeeda ka qowlaysato Xeebaha dalka Soomaaliya.

Burcad badeeda Soomaalida ah ayaa waxaa gacanta lagu dhigay Sanadkii 2012, kadib israsaasayn dhexmartay Markab dagaal oo laga leeyahay dalka Spain iyagoo isku dayay in ay afduubtaan Markabkaasi  lagu magacaabo Patino vessel oo ah Markab dagaal ayna ku qaldameen iyagoo u maleeyay Markab ganacsi uu ku noqday Markab dagaal sidaasna gacanta loogu dhigay Burcad badeedan Soomaalida ah.

Maxkamadooda ayaa waxaa si rasmi ah loo soo gabagabayn doonaa Maalinta Arbacada ee soo socota sida laga soo xigtay Masuuliyiinta dalka Spain.

6 daan Buracad badeeda Soomaalida aha ayaa waxa ay iyagu ku doodayaan in ay yihiin Kaluumaysato ayna lug ku lahayn dambiyada lagu soo oogay.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: