Calendar

Burcadda kooxo caalami ah ayaa la shaqeeya

100910082401_pirates_somalia_386x217_nocreditIsku duwaha Madaxweyne Obama ee ka hortaga Burcadda Donna Hopkins, ayaa sheegtay in burcad baddeeda Soomaaliya la ogaaday inuu yahay ganacsi si habaysan loo maamulo oo ka duwan sidii awal loo malaynayay, sidii looga hortagi lagaana ay ka adagtahay in Afganistaan nabad laga dhaliyo.
Isu duwaha Madaxweyne Obama ee ka hortaga burcadda Donna Hopkins ayaa BBCda u sheegtay in lixdan million oo dollar oo sanadkii hore la dhiibay si maraakiibta loo soo daayo, ay burcada qaateen oo kaliya 15 boqolkiiba, lacagta inteeda badana ay qaateen danbiilayaal caalami ah oo isku xiran.
Donna Hobkins waxay sheegtay inay suurto gal tahay in burcadda ay ka helayaan wararka maraakiibta ay qabsanayaan shaqaale u shaqeeya hayada caalamiga ee Badmaaxyada.
Waxay kaloo sheegtay maqashay inay jiraan suuqyo saamiyadeed oo iibinaya saamiyadaha howlaha burcadda, oo qaar ay ku yaalaan London iyo magaalooyin kale.
Toddobaadkii hore ayay burcadda Soomaalida Qabsatay markab maraykanka u socda oo siday saliid shidaal oo cayriin oo qiimaheedu dhan yihiin laba boqol oo million oo dollar.

___

BBC SOMALI

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: