Calendar

Ciidamada Puntland oo ku howlan soo furashada markab

WAR SAXAAFADEED
15 December 2012

Ciidamada Badda Puntland oo ku howlan la dagaalanka burcad-badeeda ayaa weeraray markab afduuban oo madax-furasho loogu haystay xeebaha gobollada Puntland tan iyo bishii Maarso 2010-kii.

Markabkaan afduuban oo magaciisu yahay MV Iceberg 1 ayaa lagu haystay xeebaha u dhow deegaanka Garacad ee Gobolka Mudug, iyadoo muddo dheer shaqaalihii markabkaasi lagu hayey goobo kala duwan.

Kadib markii hey’adaha amniga Puntland ay heleen war ah in shaqaalihii markabkaasi dib la isugu soo celiyay ayaa Ciidamada Badda Puntland weerareen markabkaasi 10-ka December 2012, iyadoo xabado la iswaydaarsaday kadibna burcad badeedii shaqaalihii u afduubnaa ay la galeen qeybta hoose ee markabkaasi.

Ciidamada Puntland ayaa markabkaasi ka xayiray inuu wax sahay ah ka helo dhanka xeebta. Subaxnimadii 11 December 2012 ayaa koox burcad badeed ah oo siday sahay isugu jirta hub iyo rasaas ay soo weerareen Ciidamada Puntland oo ku sugan xeebta. Isku dhacaasi hubaysan waxaa ku geeriyooday saddex ka mid ah burcadii soo weerartay Ciidamada Dowladda, waxaana gacanta lagu dhigay saddex kale oo ka mid ah isla kooxdaasi. Hubka la qabtay ayaa ka kooban 5 qori AK-47, 1 qori BKM, iyo kumanaan rasaas ah.

Tan iyo intii howlgalkani socday ayaa waxaa Ciidamada Dowladda Puntland ka dhaawacmay afar-askari. Dowladda Puntland ayaa amaan iyo boogaadin u jeedinaysa Ciidamada Dowladda oo u taagan difaaca jiritaanka Puntland.

Markabka MV Iceberg 1 ayaa waxaa madax furasho loogu haystay in ka badan 2-sano iyo 9-bilood, iyadoo shaqaalihii markabkaasi qaarna la dilay qaarna si xun loo jirdilay.

Ciidamada Dowladda Puntland ayaa sii wadi doona howlgalkani tan iyo inta laga soo furanayo markabkaan iyo shaqaalaha ku dhibaataysan.

— DHAMAAD –

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: