Calendar

Ciidamada qaaska ah ee (EASF) oo soomaalia ka howlgali doono dhamadka sanadkan 2014

Wasiiradda Gaashaandhigga ee dalalka geeska Africa ee Rwanda, Uganda, Kenya, Burundi, Comoros, Djibouti, Ethiopia, Seychelles, Somalia iyo Sudan Ayaa kulan ay maalinimadi shalay ay ku yeesheen Caasimadda dalka Ruwanda ee Kigali. ku soo dhamaaday  , Kulan kan ayaa waxa wada qaatey Wasiiradda iyo Taliyayaasha Ciiddamadda lixda dal aya waxa la isla gartey in bahida loo qabo Hawlgelinta Ciiddanka Khaaska ee loogu talagalay inay faragelin degdeg ah ku sameeyaan dalalka ay colaadaha sokeeye iyo kuwa argagixisadda ka dhacaan. Madaxda ayaa waxay isla garteen in Ciiddankaasi la hawlgeliyo bisha December ee sannadkan, si ay uga qeyb galaan Hawlgalladda looga hortagayo Kooxaha deganaansho la’aanta iyo falalka Argagixisadda ka wada dalalka ku yaalla Bariga Afrika. Wasiirka Gaashaandhigga ee dalka Ruwanda, James Kabarebe ayaa ugu baaqay dowladaha Ciiddanka ku soo biiriyey Ciiddanka Heeganka ee dalalka Bariga Afrika The Eastern Africa Standby Force (EASF) inay Ciiddankooda u soo dhamaystiraan Inkaaniyaadkooda, si ay Bisha December u hawlgalaan. Wuxuuna xusay inay Ciiddanka EASF qaban doonaan hawlgallo muhiim ah, oo ay ku jiraan sidii wax looga qaban lahaa colaadaha, burcad-baddeeda, kooxaha argagixisadda iyo Dembiilayaasha xuduudaha ka gudba Dhinaca kale Taliyaha Guud ee Ciiddanka Difaaca Kenya, Julius Karangi ayaa sheegay inuu rumeysan yahay inay Ciiddankaasi ku hawlgeli doonaan xilligii loogu talagalay, si ay wax uga qabtaan Kooxaha Argagixisadda ee khatarta ku haya Ammaanka geeska africa

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: