Calendar

Kenya oo gacanta kuso dhigtey mulkiilihii lahaa garigii lagu qarxiyay xarunta booliska bangaani

Ciidamada booliska dowlada Kenya ayaa sheegey inay ku guulaysteen inay gacanta kusoo dhigaan mulkiilihii lahaa gaarigii hameen hore lagu qarxiyay xarunta ciidamada booliska ee xaafada ay soomaalidu dagto ee islii (Pangani Police Station).

Mulkiilahaan lasoo xiray ayaa lahaa gaarigii lagu qarxiyay xarunta booliska ee bangaani halkaaso ay ku geeriyootey afar qof oo kala ahaa labo kamid ahaa ciidamada booliska Kenya iyo laba oo lasheegey inay ahaayeen kuwii watey gaariga qarxay,

Sida ay xaqiijisay wasaarada canshuuraadka iyo diwaangalinta Hantida kenya, Gaarigan oo noociisa ayaa ahaa Toyota midabkiisuna ahaa cadaan ayaa waxa ku diwaan gashnaa magaca nin la yiraahdo Ahmed Dugal Ali,

Ciidamada Booliska ayaa sheegay inay khamiistii soo xireen ninkan oo magaciisa ku sheegeen Axmed Dugaal, laguna eedaynayo inuu lahaa baabuurkii qaraxa geestay sababayna dhimasada labo kamid ah askarta dowlada kenya.

ciidamada booliska ayaa sheegay inay gaarigaan istaajiyeen asagoo marayay wado ahan saxnayn kadibna su aalo waydiiyay ku saabsan halka uu usocdo ciidamada yaa isfahmi wayay labada ruux ee wadatey gaariga kadibna usoo taxabay saldhiga booliska bangaani police station si loo xiro sido kale gaariga ayaa waxa soo fuulay labo kamid ah askartii qabatey gaarigani,  gaariga ayaa markii uu soogaarey saldhiga ayaa waxaa is qarxiyay labadi nin iyo gaarigoodiiba goobtaso ay ku nafwaayeen labadi askari iyo laba dii nin ee gaariga wada tey

ilaa hada wax cadeyn ah lagama hayo labadan nin halka ay doonayeen in ay isku qarxiyaan balse ciidamad booliska ayaa ka   shakiyey in ragani doonayeen inay isku qarxiyeaan goob fagaara ah oo uu kasocday TV show oo ay soo agaasinimteen TVyada keny ka howlgala  oo lagu magacaabo KTN

munaasabadan TV showga ah oo kasocotey meel u dhow xaafada islii ayaa looga hadlayay howgalada ciidamada booliska kenya wadeen xaafada islii oo lagu raafayay dadka somalida ah, dhinaca kale xafladan ayaa waxaa  kasoo qayb galaan masuuliyiin ka hada iyo harayba uga tirsanaa dowladda Kenya oo ka mid yahiin Yusuf xasan, xildhibaanka xaafada islii iyo faarax macalin, gudoomiye ku xigeenkii hore ee baarlamaanka Kenya iyo David Kimaiyo, taliyaha ciidanka booliska Kenya.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: