Calendar

Xiisado colaadeed oo ka jirto magaalada taleex iyo ciidamo laba dhinac kaga soo wajahan

Wararka naga soo gaarayo dagmada taleex ee Gobolka Sool Ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan Maamulka Soomaaliland ay soo dageen duleedka degmda talleex ee gobalka sool

Dadka ku dhaqan deegaanka ayaa xafiiska warbaahinta bartahamada ee  Magaalada Muqdisho u xaqiijiyay  in dagmadaasi uu ka jiro dhaq dhaqaaqyo Xoog leh oo ciidamada maamulka Soomaaliland ay kawadan goobtaasi

Dhinaca kale ciidamada soomaaliland oo ku hubeysan  Qoryaha Culus ayaa damacsan sida ay wararka nagu soo gaarayaan in ay mar kale dib u qabsadaan deegaanka talleex, ayagoo doonaya in maamulka  khaatumo uu ka mid noqoto maamulka Soomaaliland,

Dagmada Talleex ayaa Hada waxaa ku sugan Masuuliyiin Maamulkaas ka tirsan uu ka mid yahay Cali Khaliif Galeyr iyo Madax kale inkastoo aan la ogeyn sida uu xaalka noqondoono,

dhanaca kale waxaa jira ciidamada Puntland oo dhankooda ka wadda dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ay ku doonayaan in ay soomaaliland ka celiyaan in ay qabsato degmada Talleex,

dhinaca kalena ciidamada puntland ayaa u soo roqaansadeen dhanka magalada Taleex,

ayadoo dhowe maalmood kahhor  Ciidamada Maamulka Soomaalilaand ay qabsadeen magaalada taleex balse markii dambe iskaga baxay Xili ay kusoo dhawaadeen deegaanka Taleex Ciidamo ka Socda dowlada Puntland,

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: