Calendar

Sheekh Shariif ” Shacabka haka Qeyb galaan Dagaalada lagu ciribtirayo Shabaabka”

4269-full-soBartamaha:Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa shacabka Soomaliyeed ugu baaqay meel walba ay joogaan inay ka qeyb galaan Dagaalada ay kula jiraan Kooxha Diidan Dowladda Ee Alshabaab.

Sheekh Shariif ayaa shacabka u sheegay in Dagaalada ay ka duwanyihiin kuwii hore waxuuna sheegay Madaxcweynaha in xilligan loo baahanyahay in Shacabka Soomaaliyeed ay qeyb ka noqdaan dagaalada lagu ciribtirayo Shabaabka.

Madaxwaynaha Dowladda KMG Soomaaliya ayaa xusay inay haatan heleen natiijo lagu amaani karo Ciidamada u halgamaya Dowladda maadaama ay haatan gacanta ku dhigeen Goobo ay ka talin jireen Kooxaha kasoo horjeed dowladda islamarkaana ay haatan wadaan qorshe ay ku doonayaan inay kala wareegaan goobaha ay haatan gacanta ugu haray Al Shabaab waa sida uu Madaxwaynaha Soomaaliya balanqaaday.

Ugu danbayntii hadalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa kusoo beegmaya dagaalada fool ka foolka ah ay la galayaan Mucaaradka Shabaab waxuuuba carabka ku dhuftay in la gaaray waqtigii ay Shacabka Soomaaliyee meel wab ay joogaan ka qeyb gali lahayeen waxa uu ku tilmamay dagaaladii ciriribtirka Alshabaab

Xafiiska www.Bartamaha.com

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: